Warbixin: Maalinta Barayaasha Adduunka Iyo Sida Looga Xusay Somaliland

Hordhac

Macalinku waa baraha iyo hagaha ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya Waxbarashada adduunka oo dhan. Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa Jirey markasta macalimiin iyo dad Aqoon leh oo dadka kala dagaalama Jahliga isla markaasina wax bara. Macalinku waxa uu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama oo uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, diinta islaamkuna waxa ay gaadhsiisay martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah. Waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Goorma ayey Bilaabantay Xusidda Maalinta Barayaashu?

Maalinta Barayaasha Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ayaa waxaa  markii ugu horeysay la xusay 5 bishii October ee sanadkii 1994, iyadoo ay isku yimadeen ururrada macalimiinta adduunka, waxaana ujeedadu ay ahayd in la isku abaabulo, lana taageero macalimiinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa dhalinyarada mustaqbalka sidii ay u heli lahaayeen una kulmi lahaayeen macalimiin tayo wanaagsan leh.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan tacliinta, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO oo maalinta iyadu aasastay, ayaa sidoo kale xusta oo sheegta in Maalinta Barayaasha Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ay tahay maalin ku weyn dhammaan macalimiinta, iyadoo muhiimad gaar ah u leh, hormarinta waxbarashada iyo u gudbinta Carruurta, laguna bixiyo abaalmarino heersare ah.

Maalintan oo kale waxaa Dunida laga xusaa maalinta Macalimiinta, inkasta oo macalimiinta aanay helin xuquuq ku filan oo ay qaataan, marka la eego wadamada qaar ee ay ragaadiyeen dagaalada sokeeye dib u dhacanna la saaxiibka ah.

“Macalinku Waa Hagaha Bulshada” ayaa ahayd hal-kudhegga sanadkan ee xuska barayaasha adduunka.

Sidee Hargeysa Looga Xusay maalintan Boqran?

Socod laga soo bilaabay wasaaradda waxbarashada galinkii hore ee shalay oo ku beegnayd xuska ayaa lagu soo gaadhay Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabanayey xafladda xuska. Socodkan waxa ka qaybqaadanayey ardayda dugsiyada Hargeysa qaar ka mid ah, maamulka wasaaradda waxbarashada, wasiirro, agaasimayaal iyo ciidanka baanboyda oo hor kacayey.

Munaasibaddan ayaa waxa soo abaabushay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, hay’addaha UNESCO, UNICEF iyo Save The Children oo ay gacan saar la leedahay iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Munaasibadda waxa ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Wasiir xigeenka wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, guddoomiyaha waxbarasha gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, wakiillo u hadlay hay’addaha xuskan ka qayb qaatay iyo maamulayaasha dugsiyada qaar. Dhammaan masuuliyiintaasi waxa ay si qoto dheer uga hadleen muhiimada baraha iyo duruufaha ku gedaaman ee bulshadeenna. Waxa ay dhammaantood u hambalyeeyeen barayaasha Somaliland iyo qoysaskooda munaasibaddan xuskooda aawadeed.

Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayaa soo qabanqaabisay dood cilmiyeed ku saabsan duruufaha iyo faa’iidooyinka barayaasha Somaliland. Doodan waxa ka qayb qaadanayey wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abiib Axmed Ali iyo Sacdiya Muuse oo in badan macalimad soo ahayd.

Waxa laga dooday xaaladda macalinka Somaliland, doorka uu bulshada ku leeyahay, duruufaha ku gedaaman iyo xalalka wixii duruuf ah. Waxa ka soo qayb galay aqoonyahan dhalinyarro ah iyo macalimmiin tiro badan oo dooda kaga qayb qaatay su’aalo iyo faallooyin qoto dheer.

Maanso qiimo badan oo macalinka iyo doorka uu bulshada ku leeyahay ka hadlaysa oo ay hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin ayey ka jeedisay madasha.

 

Heerka Waxbarashada Somaliland ee uu Macalinku Soo Gaadhsiiyey:

Horumarka waxbarashada laga sameynayo ama loogu jiro ayaa sannad kasta intii hore ka sii kordhaaya, fursaddo waxbarasho oo badan oo markii hore aan jirin ayaa wadanka ka furmay ama la keenay. Tirada dugsiyada,Machadyada, jaamacadaha iyo Xarumaha waxbarashada Farsammada sannadihii ugu dambeeyay waxa ay u kordheen una tayoobeen si aan qiyaas laheyn.

Kuliyaddo iyo aqoon kala duwan oo dhammaan inta adduunka laga dhigto ah isla markaasina nolosha mustaqbalka ardeygeenna siinaysa dheef, horumar bidhaamaya iyo sumcad ayaa loo kalahaa oo loo socdaa maalin oo dhan. Dhammaan waxaas oo dhan waxa lafdhabar iyo udub dhexaad aan jabayn u aha barayaasheenna samirka, dulqaadka iyo kartida muujiyay.

Si loo sii horumariyo oo loo sii tayeeyo waxbarashada iyo mustaqbalka jiilalka soo kacaya waa in barayaasha la dhiirigaliyo, la daryeelo oo la siiyo tababar ay ku hantaan xirfad dheeraad ah oo ay ardayda ugu faa’iideeyaan, isla markaana kor loo qaado sumcadda macalinku ku dhex leeyahay bulshada.

Barayaasha Alle ha barakeeyo oo ha u dambi dhaafo.

 

Somaliland Post Staff