Meherkii Baaqday! Qormada koowaad.

 

 

 

Hammiga guur Xaamud kuma yara waxaanuse weli helin qof ku dhiiriya iyo dareen jacayl oo naftiisa godla. Afar meherbuu malxiis ka ahaa sannadkan dhamaadka ah, badi asxaabtii ay sheeko wadaagta ahaayeen iyo ardaydii ay jaamacadda kawada baxeen  reeray yagleeleen, caweyskii marka la kaftamaayo waxa lagu yidhaahadaa “ Xaamudoow  malxiis danbe ha noqon haddi kale sida aad malxiiska u tahay ayuu waqtigu dhamci oo aad gaboobi, fooddi waatan kusoo go’day ee garoonkii  diyaaraduhu  kaasii dilaacayee isdaba qaboo sannadkan  meheri hallaguu malxiisee”  habeenka sidaa loola kaftamo wuu is ciil kaambiyaa waase qoraal mawlee haddana wuxuu niyada Ku dhistaa sannadkani yaanu ku dhaafine hoy diiran iyo haybad wacan kasoo baal toos.

Kaftan walalnimo oo wanagsanbaa ka dhexeeyay, xiisaha dhexyaala maalinba maalinta ka danbaysa wuu ku siyaadayay ka kale, aqoon kale oo dhaafsiisan iskuma laha oo aan ahayn barkulanka Facebook oo ay saaxiib ku ahaayeen sannad ku dhawaad.  Xaamuud waxa lagu ibtileeyay oo aanu faraha ka qaadin Facebook-ga waa balwad uu laasimay sida aanu uga maarmi karin ee uu ugu haliilayo. Khadku wuxuu ugu xidhanyahay guriga qolkiisana waxa u yaala Computer uu ka isticmaalo internen-ka. Wuxuu ugu firaaqo roonyahaya habbeenkii maalintii labada galinba wuu xoogsadaa oo wuxuu ka shaqeeyaa Bakhaar adeerkii leeyahay oo uu ka yahay Xisaabiye guud, habbeenkatsna wuxuu seexda daakiraada siduu u fadhaayo Facebook-ga lagu falay.

Subuxii markuu shaqo tago kolba wuu qooraansadaa ciwaankiisa waxa ku cusub. Markuu xafiiska kasoo baxo wuxuu ka isticmaalaa khadka moobil balaadhan oo lacag badan laga siiyay kuna habboon isticmaalka Facebook-ga. Habbeen iyo maalin wuxuu soo dhigaa edegiisa sawiro midba kii hore fadhiisiyay oo kala qurxoon, fool xumo ma jirto moobil kasta waxa ku jira Kamarad qurxinaysa wejigaaga oo caddaan kaa dhigaysa  si kastood u madawdahay, Xaamud waa nin karmeed ka adag shaqadiisa iyo xannaada qoyskooda, maali qudha shaqadiisa kama habsaamin oo ma sagsaago bariiskiisa, tabcaanasta iyo qaadiro kasta haddu yahay waaberiga intuu biyo qabaw ku maydho ayuu Bakhaarka kusoo kallahaa.

Xamdi wa ardayada hadda ku jirta Jaamacadda sananadkii u danbeeyay, xaamud muddo ayay saxiibo isku kalfuran ahaayeen mayse kulmin barasho guud mooyee, kaftan kooban iyo iska war hayn xagga khadka ahbaa ka dhexeeyay, sawirada markuu soo dhigo way faalayn jirtay, isna markeeda amaan iyo ducoo kula dul dhicijiray.  Midba ka kale ciwankiisa waxa ku cusub siyuu u eego wuu kusoo kallihi jiray, haasaawahoodu weli muu gaadhin meel jacayl ka curto. Xaamud waa currad u weyn qoyskooga hadda wuxuu foodda la galay soddon gu’, habbeenkii markuu seexanayo wuxuu ka fekeraa siduu qoys u samaysan lahaa ee reer u yegleelilahaa niyada wuxu ka yidhaahdaa  markuu furaashka  kor yimaado ee uu hurdada baadhbadhayo “  sannadkan waa inaad qoys yagleeshaa oo aad guurstaa qayrkaa saddex ubaday daadaheeyaan ciida iyo jimcayaasha, kolhadaad masaariif wanaagsan ka qaadato meheradda oo aad dhamaysay jaamcaddi waa inaad sannadkan u diyaar garawdaa dhismaha qoys aad nolosha la wadaagto”

Balwadaha jaan ee lagu ibtileeyay qayrkii waa ka nadab, weligii intuu noola ma qayilin asxaabtiisuna waa dhallinyaro shaqaysta oo Jaamiciyiina midkoodna qaad iyo balwad iskuma dayin.  Xidhiidhkii waalalnimo ee ka dhexeeyay wuxuu ku beeray xiise ba’an, maalin kama maarmo muuqeed iyo inuu bariidsho Xamda, kaftanbu kolba ku tuura isagoo ku igadh saalaxaya kuna dareensiinaya rabitaankiisa iyo damaca ka haya inuu xidhiidh la wadaago “ Xamdaay  inan wacan oo dabeecad iyo dadnimo daayin ku manaystaad tahay hadaad ila qaadan lahayd qoysbaaban kaa dhigan lahaa meel lagu dhaafo garanmaaye”  Iyana kama hawlyaree amaanbay gadhka u gelisaa oo waxay u muujisay debecsani iyo inaanay  waxba ku jabnayn xidhiidh qosy haday wadaagan. La soco…………………………………………

 

 

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com