Wasiirka Beeraha Oo Kormeeray Inka Badan 17,000 Geed Oo Shirkadda SBI Beertay  Farriina U Diray Ganacsatada Iyo Beeraleyda

 

Hargeysa(SLpost)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa kormeer ku sameeyey in ka badan 17,000 geed oo ay beereen shirkada Sharaabka ee SBI iyo ku dhawaad 80,000 oo kale oo abqaal ah.Saytuun4

Weftigan uu wasiirku hogaaminayo ayaa waxa kormeerka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Afhayeenka Wasaaradda Sacad Muuse Cabdi iyo Maareeyaha shirkada SBI Mustafe Cismaan Geelle.

 

Maareeyaha Shirkada SBI ayaa masuuliyiinta wasaaradda Beeraha tusay laba goobood oo ay ugu kala talo galeen abqaalka (Nursery) iyo beer la jaar ah warshada Sharaabka ee SBI oo ay ka beeran yihiin geedad tiro badan oo Saytuun, kuwaasi oo loo qorsheeyey waji cusub oo sharaabka saytuunka ee la warshadeeyo ah oo ay shirkadu dhawaan soo saari doonto.

 

Wasiirka beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inay qorshahan ay wadaan shirkada sharaabka ee SBI keenayso in suuq loo helo beeralay badan oo ka caban jirtay suuq la’aan.

 

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Maanta ayaa waxa aanu kormeer ku soo marnay beerta ay Ilma Cismaan Geelle dhirta ku kobciyaan oo ay ku jiraan in ka badan 86,000 (Lix iyo sideetan kun) oo geed iyo beertan warshada la jaarka ah oo ay ku beeran yihiin ku dhawaad 17,000 (Todoba iyo toban kun oo geed) oo saytuun ah, sida agaasimuhu sheegay geedaha saytuunka ah ee beeran waxa loogu talo galay beeralayda inay beeraan oo hadhaw markay beeraana ka dib ay diyaar tahay suuqii ka iibsanayey oo ah weji cusub oo ay soo kordhin doonto shirkada sharaabka ee SBI, waa ILAAHEY mahadii in mashruucani uu mustaqbal qurux badan uu iftiiminayo, waxaan baaq u dirayaa baayacmushtariga kale ee ku mashquulsan bagaash iyo joonyad soo iibi soo iibi, iyada oo loo baahan yahay, hadana iska wada daba keenaya inay fikrado sidan oo kale ah la yimaadaan, maaha inaan Saytuun uun  beera leeyahay, waxyaabo kale oo sidan oo kale loogu bahaan yahay ayaa jira”.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Dhulkeenuna hagrasho ma laha oo waa wada biyo, waadigaa arkaya sida ay wax uga soo go’een, dhulka oomanaha ah ayeynu baranay inaynu hadhuudh iyo galay sanadkii mar ku beerno, marka ay abaari timaadana sidan oo kale wax loo waayo, marka wax soo go’aana ay is qiimo jabiyaan”.

Wasiirka oo fariinta uu beeralayda u dirayo sii wadaa waxa uu yidhi “Dadka uu ILAAHEY siiyey dhulka wax laga beeran karo waa inay isku dayaan oo ay soo saaraan midhaha la warshadayn karo, kuwa dhaqaalaha haystaana inay ka taageeraan, tusaale ahaan tamaandhadaa inoo soo wada go’da in laba bilood ka yarna lo’daa Hargeysa ku dhex cunta oo way wada khaayistaa, waxaad arkaysaa mar inay tahay suuq la’aan marna dhinicii warshadaynta oo wax yar ku kacayaa ay inaga yar tahay”.

 

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey “Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa in ILAAHEY u barakeeyo Ilma Cismaan Geelle oo aynu ugu ducaynayno, ta kalena waa inay ku daydaan ganacsatadu”.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Arintani waa fursad aad u qaaliya oo beeralayda Somaliland heshay anana waxaanu ku dedaalaynaa inaanu beeralayda gaadhsiino oo warkani meel walba ka ridno, waayo dib dambaysa looga caban mayo suuq li’I “.

 

Weftiga ayaa kormeerka goobaha lagu beeray geedka Saytuunka ka dib waxa ay sidoo kale kormeer ku mareen nidaamka ay u shaqayso Warshada sharaabka soo saarta ee Somaliland Beverage Industry (SBI).

 

Intaasi ka dib wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo waxa ay u kuur gal xaalada dadka deegaanka ugu tageen deegaanka Jaleelo oo ah halka ay ku taalo warshada sharaabka ee SBI, iyaga oo dadka deegaanka iska xog waraystay xaalada beeralayda deegaankaasi ku sugan yihiin.