Ciyaarihii Koobka Gobolada oo Maanta Si Rasmi ah U Bilaabmay iyo Natiijada Kulannadii Koowaad

Hargeysa(SLpost)-Cagta koowaad ee koobka kubbadda cagta gobolada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalooyinka Burco Iyo Boorame. Dhammaan ciyaartoyga gobolada ayaa diyaar ku ahaa labadaa magaalo.
Koobkan ayaa aad loo sugayey in uu mar uun bilaabmo si gobol walba u soo bandhigo awooddiisa ciyaareed.

Madaxda Dawladda iyo saraakiil kale oo badan ayaa ka kala qaybgalay furitaanka ciyaaraha ee ka kala bilaabmayey labada magaalo, ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa isagu ka qaybgalay furitaankii koobka garoonka Xaaji Daahir Stadium ee magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Waxa labadii ciyaarood ee furitaanka iskaga hor yimid Daad-madheedh iyo Togdheer oo garoonka Burco ku dheelayey iyo Awdal Iyo Hawd oo garoonka Boorame ku ciyaarayey.

Xulalka Daad Madheedh iyo Awdal ayaa ka kala badiyay labada xul ee hawd iyo Togdheer oo ay iskaga horyimaadeen ciyaar ku tirsanayd isreebreebka Koobka gobolada Somaliland.

Waxaanay daad madheedh iyo awdalba ku badiyeen min hal gool.