Berbera Oo Mar Kale Suxufiyiin Lagu Xidhxidhay

 

Berbera(SLpost) – Booliska magaalada Berbera ayaa xabsiga dhigay laba wariye oo ka hawlgala xafiisyada Berbera ee telefishannada Kalsantv iyo Somnewstv. Wariyeyaasha ayaa la sheegay in boolisku xidhay iyadoo aan loo sheegin wax sabab ah.

 

Wariyeyaasha xabsiga la dhigay ayaa kala ah wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan xafiiska Kalsantv ee Berbera iyo wariye Cabdiraxmaan Cige oo ka tirsan telefishanka Somnewstv, kuwaasi oo la sheegay in lagu xidhay amar ka yimid wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Saaxil iyo xukumadda balse wararka Ramaasnews ka heshay xafiisyada wariyeyaashani ka tirsan yihiin ayaa sheegaya in booliska oo sita warqad ka soo baxday Wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha Somaliland xabsiga dhigeen labada suxufi.

 

Wasiir kuxigeennada Xannaanada xoolaha iyo warshadaha oo Ciidii dadweynaha Saaxil ku oriyeen xilli ay bulshada khudbad u jeedinayeen ayaa xabsiga dhigay wariye Soofadhiiste oo markii dambe la sii dayay, halka qaar kalena magaalada Berbera uga baxsadeen. Waxaa suxufiyiinta lagu haystay warar ku saabsan foodhida wasiirada lagula kacay oo ay baahiyeen.

 

Xadhiga suxufiyiintan ayaa imanaya iyadoo dhawaan guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland sheegay inaanay dhici doonin suxufi la iska xidho, balse cida dacwad ka qabta suxufiyiinta ama xarun warbaahineed ay dacwad ka furanayso maxakamadda cida la dacweynayaana is difaaci doonto ilaa amar maxakamadeedna