Jadwalka Isku Aadka Ciyaaraha Gobolada Oo La Shaaciyey

Hargeysa(SLpost)-Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa ku dhawaaqday jadwalka isku aadka ciyaaraha gobolada oo lugtooda hore ee isreebreebka lagu wada ciyaari doono magaalooyinka Boorama iyo Burco.

Magaaladda Boorama ayey ku soo wada xaroodeen goboladu waxa ku wada ciyaari doona gobolada Hawd, Hargeysa, Awdal, Gabiley, Salal, Buuhoodle iyo Berbera.

Sidoo kale magaaladda Burco ayaa iyadana waxa fooda isku dari doono gobolada Togdheer, Daad-madheedh, Badhan, Xaysimo, Sool, Sanaag iyo saraar.

Hadaba goor dhaweyd ayaa madal la isku arkay waxa loogu qori tuuray sida ay isku haleeli doonaan, hadii aynu ku horeyno xulalka Magaalada Boorama ku wada ciyaari doonana, waxa ay isku arki doonaan oo isku guruub noqday xulalka Hawd, Hargeysa, Awdal iyo Buuhoodle, halka guruubka labaadna ay fooda isku dari doonaan Gobolada Gabiley, Saaxil Iyo Salal.

Ciyaarta koowaadna waxa ay isla maanta dhex mari doontaa labada xul ee Awdal iyo Hawd.

Dhinaca magaaladda Burcona Groupka Koowaad Waa Togdheer,Daadmadheedh,Badhan Iyo Xaysimo Groupka Kalena Waa Sool,Sanaag Iyo Saraar -, waxaanay ciyaarta furitaanku ay dhex mari doontaa labada xul ee Daad Madheedh iyo Togdheer.