Hibo hiilwayday!

 

“ Toddobaadkii waxaan ciyaara kubadda maalinta khamista, waxaan ururiyaa nususaacaha dugsiga lay siiyo subixii, aabbahay waa dilaal ka adag masaariifta aanu quudanayno.  Waxaan ku ciyaarra anniga iyo saaxiibaday saacaddi laba doolar, waxa noo dheer baska iyo biyaha aanu cabayno maalinta aanu soo ciyaarayno.  Garoonku xaafadda wuu ka durugsanyahay  waxaananu raacna bas ka helayaana wuxuu raaca tagsi. Kabaha kubada aabbahayba  ii iibiyay maalin dhawayd berrigi hore waxaan ku ciyaari jiray dacas. Waan jeclahay kubadda inaan ciyaaro, haddaan heli lahaa garoon bilaasha waan ciyaari lahaa toddobaadkii saddex cisho si aan u dhiso jidhkayga iyo qaab ciyaareedkayga oo aan uga qayb gali karo  tartamada dunida sida carruurta aynigay.

Garoon kooban oo jaarkayaga ahaa waxa laga dhisay guri dayrle oo waxa lahaa reer jagay ahayad. Garoon kuma yaal degmadayada dhamaan garoomada jira hadda waa doog dad samaysteen. Waan jeclahay inaan ciyaaro kubadda hadda waxaan ahay  saddex iyo toban jir, khadka dhexaan ka ciyaara laacibaan ahy,  laakin markaad  doonayso inaad dhisto kubbadaada waa inaad heshaa alaamito badan. Hadaan samayn lahaa alaamito badan ma awoodo lacagta lagu dheelayo saacadi oo ah laba doolar.  Hadaan arki lahaa madaxweynaha waxaan ka codsna laha inuu garoomada noo badiyo oo xaafadayada laga dhiso garoon doogle, haddi naloo dhisi lahaa garoon doogle waanu ku farxi lahayn aniga iyo farxan waayo aadbu isna u jecel yahay  kubadda inuu ciyaaro.

Subixii waxaan tagaa dugsiga oo aan ahay hadda fasalka sideeda ee dugsiga dhexe, markaan soo rawaxo ee aan guriga imaado qadada kadib waan seexda, habbeenkii waxaan akhristaa duruustayda, maalintii galinka danbe waxaan tagaa garoonka si aan u daawado ciyaalka dheelaaya, marka kubada la laagayo anna niyadaan ka laaga oo waxan is arkaa anoo kacay, xiise badanbaan u qabaa ciyaaraha. Ciyaalka xaafaddu waxay ii yaqaanan “ Hadhii-laag”  waxay u jeedaan markaan laago meel madhan anoon kubbad ciyaarayn.

Hadaan heli lahaa garoon bilaasha oo aan ahyn lacag kooxdayadu way iman lahayd garoonka galab kasta, waxaan daawada ciyaaraha dunida marka ay jiraan, garoomadoodu aadbay u quuruxbadan yihiin, waa wadda doog kubada wacan iyo garamo quruxbadan ayay ku ciyaaraan dhallinyaradaasi.  Maraan waydiiyay walalkay oo iga weyn halka ay ka helaan garoomada iyo kubadaha ciyaartoyga aanu daawannaa  wuxuu walalkay igu yidhi “ waxa maaligelisa dawladooda oo u samaysa garoomo ay ku tababartaan wareegyo iyo  koobab, lacagbay ku qaatan si ay u noqdaan ciyaartooyo dunida laga yaqaan oo caana waddamadoodana usoo hooya magac iyo maamuus”  waan yaaby oo waxaan idhi walaal innaga dawladeenu maxay qabataa ee ay noogu samayn wayday garoomo aanu ku ciyaaro kubadda marhadii dhallinyarada dunida dawladahoodu sidaa u jecelyihiin oo ay u sameeyeen garoomada quruxda badan.

Maalin dhawyd waxaan maqalay garoon aan Ramadaantii ku daawan jiray wareegii bisha Ramadaan lagu qabtay  in la iibiyay oo dad leeyihiin, waan naxay waxaan ka fekeray Ramadaanta danbe xagaan ka daawan lahaa koobka Bisha ee  aadka u xiisaha badan. Laba Ramadaan waxaan daawanayay garoonka hadda la iibshay koobab ka socday, waxaan ku hammiyi jiray inaan maalinuun garoonka ka ciyaaro oo lay daawado sida maanta aan u daawanayo kooxda Horseed ee xaafadayada. Markaan alaamitaynaayo waxaan niyada ku dhistaa inaan noqdo ciyaartoy caalamiya oo dunida laga yaqaan  dalkiisana magac usoo hooya oo sumacd leh”

Yaxye yare kubadda xiisaha iyo jacaylku u qabo iyo dananyn la’aanta qarankayga markaad is baal dhigto sida xaal yahay werwer ayuu kugu beerayaa, garoomada ganacsiga ee sii kordhaaya, garoomadii danta guud ahaa ee lawada lahaa oo ka baxay meesha waxay marag u tahay inaan wiilka fiqiirka ah ee aan haysan lacag aanu heli doonin garoonuu  ku ciyaaro.

Kubadda cagtu makala laha fiqiir iyo taajir marka doorkeeda dawladeed la qaato ee wasaaradda ku magacaabani samayso garoono  lawada leeyahay oo degmo kasta ku yaal, kumaan dhallinyara oo danyara ayaan ka niayad jabeen  kubadda cagta manay waayeen garoomo ay kusoo bandhigaan ciyaartooda. Garoomada ganacasiga ahi aadbay qaali u yihiin markaad eegto nolosheena iyo bulshadeena u badan saboolka, laba doolar imisa wiilbaa heli kara intaase aan heli karin duruufo nololeed darteed,  yaa u miciina ee garoomo ay ku ciyaaran ugu maqan? Dhallinyarada jecel kubada cagta ee ay tahay hiwaayadoodu maanta waa hibo hiil wayday!

Waxa loo baahan yahay si dhallinyarada looga badbaadiyo balwadaha jaan ee qaadku u horeeyo waa in la hirgashaa  garoomo badan oo ay kusoo bandhigaan hibooyinkooga, wareegyo iyo tartamo joogata ahna la dhexdhigo, heerka koobaad labaad iyo saddexdaab leh, dhiirigelin joogta ah oo lagu dhinac istaagayo dhallinyarada jecel ciyaaraha si loo helo ciyaartooy magac iyo maamuus qaranka usoo hooya,  haddi la dhiirigeliyo ciyaaraha waxa imanaya isdhexegal bulsho waxaana yaraan doona  kala qoqobanaanta iyo qabyaalada jirta, waxa dhallinyaradu ku abtisran lahaayeen kooxahooga iyo inta ay kubbad wadaagta yihiin, waxa yaraan lahaa tahriibka xadhkaha goostay ee dalka ka saaraya xoogi iyo mustaqablkii berri.

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com