Qaramada Midoobay Oo Masiibo Ku Tilmaantay Dhakhtarkii MSF Ee Maraykanku Duqeeyay

 

Kunduz(SLpost)- Qaramada midoobay ayaa masiibo iyo waxaan la aqbali Karin ku tilmaantay duqayntii lala beegsaday xarun  caafimaad oo dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ay maamulaan oo ku yaala Afghanistan. Qaramada midoobay ayaa cambaaraysay weerarkaasi.

 

“Duqaymihii xaga cirka ahaa ee lagu qaaday cisbitaalkii ku yaalay magaalada Kunduz ee ay ku dhinteen 19 qof waxa uu ahaa masiibo, arrin aan la aqbali karin iyo xataa in ay dhici karto in ay dambiilenimo ahayd,” ayuu yidhi madaxa arrimaha banii aadminimada ee Qaramada Midoobay.

 

Zeid Ra’ad Al xuseen waxa uu ku dooday in la sameeyo baadhitaan dhamaystiran oo madax banaan. Taliyaha ciidanka Ameerikaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in milterigu uu bilaabi doono baadhitaan lagu samaynayo duqayntii lagu dhintay ee ka dhacday xarun uu leeyahay ururka dhakhaatiitra aan xudduudda lahayn.

 

Jeneral John Campbel wuxuu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii ay ku ogaan lahaayeen wixii dhacay, wuxuuna tacsi u diray dadka ay arrintan saamaysay.

 

Ciidanka Ameerikaanka ayaa qirtay in ay iyagu ku qaadeen weerarka xagga cirka ah meel u dhow cisbitaalka, waxayna sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay khasaare aan ula kac ahayn. Waxay intaa ku dareen in askarta Maraykanka ee talada iyo tababarka siinayey ciidanka Afghanistan ay rasaas ku soo fureen kooxaha kacdoonka wada.

Hay’addu waxay ku warrantay in cisbitaalka si isdabajoog ah bambooyin loola dhacay oo lagu dilay shaqaale iyo bukaan. Waxay sheegtay in shaqaalaheeda iyo bukaanka dhakhtarka ku sugnaa intii badbaaday ka argagaxday wixii ku dhacay shaqaalaha iyo bukaanka dhintay.