Khasaaraha ka dhashay Duqeyn loo geystay Cusbitaal Ay Maamusho Hay’adda MSF

Kunduz (SLpost) –   Ugu yaraan 9 shaqaalaha hay’adda gargaarka caafimaadka ee MSF ah ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lala eegtay Xarun caafimaad oo ku taala wadanka Afghanistan. 37 qof oo kale oo 19 ka mid ahi yihiin shaqaalaha hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (Doctors Without Borders (MSF), ayaa ku dhaawacmay weerarka duqaynta ah.

Hay’adda gargaarka ee MSF, ayaa sheegtay markii uu dhacayay weerarka cirka aroortii hore ee Sabtida, in xaruntooda dhaawacyada ay joogeen in ka badan boqol bukaan, caawiyayaal iyo in ka badan 80 shaqaale isugu jiray shisheeye iyo Afghanistan. Waxay sheegtay in shaqaalaha goobta ku sugnaa ka argagaxeen duqaynta iyo dilka bukaanka iyo shaqaalaha.

Muuqaal video ah oo la soo dhigay internet-ka, ayaa lagu arkay dhismaha qeybta hoose ee cisbitaalka oo ololeysay iyo qiiq ka baxayay daaqadaha.  MSF ayaa soo dhigtay barteeda Twitter-ka sawirada shaqaalaheeda oo naxsan iyo howl caafimaad oo ka socota qeybaha badbaaday.

Ururka NATO ayaa sheegay inay suuro gal tahay in Cisbitaalka ay haleeshay duqayn ciidamada Maraykanka ee NATO ka tirsani fulinayeen, halkaasna uu dhaawac badan ka dhashay. NATO ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay baadhayso dhacdadaasi oo lala beegsanayay shakhsiyaad lagu daba jiray.