Soomaalidu Maanta Isu ma Dhiidhido Oo isu ma Ciirsato

 

Marar badan baynu aragnaa ama maqalnaa falal dhagareedyo la galay. Dil qodhooyo, dhaawac iyo dhac iyo tuugo, iyo kufsi intu ba way dhacaan.  Way badan yahiin waxa dhaca iyo sida ay u dhacaan. Ta se

aan u dan leeyahay ee aan halkan kaga hadlayaa waa falcelinteennu waxa ay tahay iyo sida ay tahay.  Haddii aynu qof walba weydiinno waxa uu ku sheegi karo falalkan, hubaal waa la isku wada raacayaa xumaantooda. Xataa dhagarqabahu, been ba asaga ha ka ahaat’ee, wax ka duwan ma odhanayo. Ka dhig in xumaha dembiga laga dhiidhiyayo ama ugu yaraan la necbaysanayo; waxaa se meesha taalla tu kale oo ah maxaa loo dhiidhiyayaa iyo sidee looga falcelinayaa ama maxaa laga yeelayaa?  Ma cidda waxyeelladu gaadhay baa loo daqanqayaa? Waxaa la mid ah ma dembiilaha ayaa laga hiilinaya?  Damaca hungurigu caliga wuu tiraa; runi se waxa weeye: qofkii walaalkii xaq dadnimo ugu hiilin waayey naftiisa ayuu ka hiishay.

Marka hore aynu isla eegno ifafaalaha  kala qalowga iyo isu damqasho la’aanta ka muuqatay Soomaalida. Waxa aan ka hadlayaa laga bilaabo xilligii kelitalintii Siyaad Barre- in kasta oo ay hortii na jirtay- aad buu u badan yahay gaboodfalyada iyo tacaddiyada meelo kala duwan ka dhacay. Qofaf keli keli ah iyo kooxo iyo beelo dhan ba waa lagu falay,  la isu ma se damqanin, oo cidi na maxaa lagu galay kama odhanin.  Mushkiladdu waxay daarran tahay maqnaanshaha qiyamta iskaashiga iyo isu hiilinta bulsheed oo meesha ka baxday. Waa na astaan ina tusay wax kasta oo bulshada xudhiidhin lahaa oo go’ay, midnimadeediina meesha ka saaray.

Qeexidda arrinka, aynu tusaale hore u qaadanno sheekadan yar oo run ahaan dhacday. Waxay ahayd maalin ka mid ahayd sannadkii 1996dii. Wax weyn ma ahayn ee tusaalaheeda ayaa qaayo inoogu fadhiya. Ma aha male-awaal iyo war la igu yidhi midna ee goobjoog baan u ahaa, bal dhinacyadeea ayaan ka mid ahaa oo taas owgeed baan uga warrmayaa. Nin labada lugood ba ka curyaan ah oo socodka gurguurta, ayaa maxkamadda Gobolka ee Hargeysa horteeda, la fadhiisan jiray teeb uu arjiyada ugu qoro dadka maxkamadda dani ka gasho, shilimaad yarna kaga qaadan jiray. Maalin aan si Alle ku imid halkaas, ayuu nin dhallinyaro ah oo lixdiisa laxaad ba qabaa, si kulul u haddaday ninkii lugaha ka fadhiydey ugu na dhaartay in uu dhulka la dhici doono. Hadallo kulul iyo aflagaaddooyin buu isu raaciyey. Dadkii meesha joogay baa ku waaniyey in uu iska daayo oo uu Alle ka yaabo, ku ma se qabsoomin. Markan baan arrinka si kale u soo galay oo inta aan kor u dhawaaqay, baan si kulul u idhi: ‘waar ma ninkan lugaha ka yuurura ayaa laga hayaa wiilkan xoogga weyn!  Isla markii ba dadkii baa ninkii dhallinta ahaa indho kale ku eegay; asagii na hadal dambe ma soo celin ee wuu ba iska tegay.  (Qoraalkan waxa laga soo xigtay Mareegta Weedhsan.com).

Dhacdada sheekadu waa intaas. Waxa aan idiinku darayaa ninkan lugaha la’aa waa aan garanayey oo abtirsiinta reeraha Soomaalida waxa aanu ahayn isku jilib, in kasta oo aannaan ahayn inta magwadaagta la yidhaa, taas oo aan anigu sidayda uga guuray wax na aanan ku darsanin. Hadda, waxa aad isweydiin kartaan sababta uu qoraaga warkani  u dhiidhiyey ee hiilka ugu wacnaa? Jawaabo badan baad odhan kartaan. Qof walib na waa u xor malahiisa. Aniga se la ima weydiiyo waxa ay iga ahayd. Waayo, haddii aan idhaa: ‘qof kasta oo kale na sidaas ayaan ka yeeli lahaa’, Soomaalida maanta tiro aad u yar baa iga rumaysanaysa. Isrumaysigu ba, Soomaalida maanta, meel kasta oo ay joogto, aad buu ugu yar yahay; iyana na waa tusaale kale oo ina tusaya burburka bulsheed; waayo isrumaysigu waxa uu ka mid yahay qiyamta dhismaha bulsheed isku taago. “Muslinow run sheeg, muslinow na uga qaado”, waa murti ku baaqaysa midnimada bulshada.  Ujeeddadeennu waa dhiidhiga iyo hiilada iyo raadka ay ku yeeshaan nolosha bulshada, degganaanshaheeda iyo qalalaasaheeda ba. Taas darteed  aynu hadda u nimaadno malaymaha suurtgalka ah ee sheekada inooga dhambalmaya:

Ta koowaad, waxay noqon kartaa dan qof ahaaneed baa ninkan la guulguulayo kaga xidhnayd Rashiid; haddii la weeraro na ka lumi lahayd; ama uu ka cabsaday in uu ku waayo. Ta labaad ee suurogalka ahi waa ciriqii hiilada tolliimo oo ku riixiya in uu ina-tokii la safto; ama se waa nin reer tolkii ku xidhan oo xeerinaya ceebta ka raaci karta, haddii uu hiilin waayo. Tu saddexaadna waxay noqon kartaa ma aha nin dan qofnimo iyo tolliimo jiidanayaan ee waxa uu u dhiidhiyey waa qiyamta dhaqanka anshax wacan, sida xaqa iyo caddaaladda iyo nabadgelinta dadka  tamarta yar oo la isgarabtaago. Aragtidani dambe, haddii ay doonto, waxay daliisahan kartaa ereyadan ahaa: “waar ma ninkan lugaha ka yuurura, ayaa ninkan xoogga weyn laga hayyaa”! (Weedhsan.com).

Yaan jawaabahan loo qaadan kuwo ku xidhan qof iyo sida ay kelidiis la noqonto.  Waayo arrintu xidid bulsheed bay leedahay. Ta koowaad waa danaysi qofeed aan wax kale u jeedin; way na ka jirtaa bulshada dhexdeeda. Waa geedka haddii xabagi ku taallo ka gooso, haddii kale iskaga tag. Dal iyo dad ba hunguriga maalmeed bay ugu fadhiyaan. Way jiraan kuwo badan oo dantooda oo keli ah maraataa;  carrada se sidaa loo bato, bulshannimadeedii way burburtay oo waa la kala dooc iyo dareen furtay. Xaaladda labaad waa qof hilow iyo hiilaba abtirsiin qabiil ku oodan oo tolwadaag keli ah yaqaan. Hiiladiisu waa magaca qolada uu sheeganayo.  Haddii kan xoogga weyni tolliimo xigo- xataa marka uu waaninayo- asaga ayuu la safanayaa; tolkiis ayuu difaacayaa. Waar naga fadhiiso hanna ceebaynne; wax xun Alle ku badye! (marka ay ugu roon yahiin ayey sidaas yidhaadaane) ayaba se waa hiilin tolliimo. Ta saddexaad waa xaalad, amminka hadda ah, Soomaali dhexdeeda, aan hawl yari lagaga heli karin, taas oo ah in la arko hal qof oo sharciga iyo caddaaladda sidooda ugu hiiliya, asaga oo aan hungurigiisa ama eexo qabyaaladeed ugu ladhnayn.  Haddii maanta la qaado daraaso cilmiyeed guud, kama shaki qabo in isku dhafanka hiilka danaysiga qofeed iyo eexada qabyaaladeed xad-dhaafayaan.  Eexo qabyaaladeed sharciga iyo caddaalad waa ku liddi, waayo, waxay dhashaa musuq iyo dulmi la isugu hiiliyo, sidaas darteed, bulshada qarannimo na way dumisaa.  Soomaaliyi taas way soo aragtay; hadda na way ku sii socotaa;  Soomaaliland iyo Soomaaliya na, wax kasta oo kale ba ha ku kala duwanaadeen, ee tan ku ma kala duwana.

Waxyaalo kale oo la qaayo-sooro, loo na hiiliyaa way jiraan oo meesha kama saari karno. Dal loo dhasho, isir qoomiyadeed, caqiido diineed iyo midab, intaba  waa loo dhiidhiyaa oo la isu gu hiiliyaa. Ayagu na se doorashadii laafyaayaha lahayd bay ina la marayaan.  Ka soo qaad Soomaali baad tahay; dal shisheeye ayaad, adiga iyo Soomaali kale ku nooshihiin. Nin Soomaali ah baa dembi ka galay dad kale.  Tusaale ahaan, qof buu dilay. Asaga oo Boolisku daba socdo, ayuu kugu soo dhuuntay oo waxa uu ku yidhi ‘i qari’. Ma magaca Soomaalinnimo, isirka iyo dhaqanka ayaad u hiilin, mise xaqa dadnimada, sharciga iyo caddaaladda?  Su’aalahani, marka nolosha dhabta ah la joogo, sidan u ma sahlana, waayo wacaaleyaal kale oo badan baa suurogal ah inay raadeeyaaan.  Meeshii qas iyo qalalaase ka jiraa waa gaarkeed ee waxa aynu u dan leenahay waa mabd’a guud ee goor iyo goob kasta ku rumooba.  Asaga ayaa dadnimo la isuga raaci karaa oo qarannimo na ku dhisantaa.  (Weedhsan.com).

Burburku bulsheed waa heerar kala sokeeya; heerarkiisa maaddiga ah ishaa qaabata oo way muuqdaan. Heerkiisa lagama-kacaanka ahi waa marka la lumiyo qiyamtii isu-ahaanshaha bulsheed ee ay xilkasnimadii bulsheed(masuuliyadii) meesha ka baxdo; waa kolka uu dabarka kasta oo bulsheed go’o ee dooca qofku illaabo xilka ka saaran qoyskiisa, ubadkiisa iyo bulashadiisa.  Waa marka qof kastaaba hungurigiisa oo qudh ah la dhaqaaqo.

Haddii caddaalad darro iyo dulmi la isla wada doono waa lagu wada beelaa; waayo kii maanta sharci darro ku qaataa berri bay u taallaa. Meeshii bulshanimadu nooshay qof waliba xaqiiqadaas ayuu qaayo sooraa oo ma oggolaado in qofna la dulmo, sabata oo ah waxa uu arkaa dulmigaasi in uu asaga iyo qof kasta oo kale ba ku jidoobaya.  Bulshadu marka ay nooshahay Caddaaladda lagama rooro ee loo rooraa.

Oday baa la weydiiyey nacas iyo doqon ma isku mid baa, mise waa kala laba? Wuxuu yidhi waa kala laba. Waxa uu yidhi nacasku waa nin dantiisa ku filan, tu kale se aan looga daawo doonin. Doqonku na tiisa iyo tu kale midna ku ma aado, waa sacsac aan naftiisa maamuli karin. Waayaha maanta,  Haddii aynu hoos u sii dhuganno, labadu wax ba wax isma doorshaan; waa isku mid.  Gaar ahaan adduunka hadda aynu joogno,  nacasku waa doqon. Sababtu waxay tahay qofna ba tiisa ku ma fillaan karo.  Weligiiba aadamigu waa noole bulsheed oo cid la’ isku bixin karo. Ha se ahaatee, waayo hore oo tegay,  qofku asagaa ku filnaa baahida nolol maameedkiisa. Tiisa isahaanshaha bulsheed iyo nabadgelyadiisa na koox sokeeye ayuu u lahaa. Maanta dad aanu magac iyo muuq midna u aqoonnin bay noloshu isugu xidhan tahay oo aanu ka maarmin. Dani u ma qumayso haddii aanay kuwaas ka soo fulin.  Nolosha sidan isugu xidhan, dantii-maraate, dantii ma gaadho, waayo dan gooni ka ah ta guud ee la wadaago ma yeelan karo.  Bal tiisu ta dadka kale darteed, bay u lumaysaa. Sidaas darteed nacasku waa doqon aan dantiisa aqoonin. Qof kasta, si tiisa gaar ahaaneed u qunto, waa in uu u feejignaado oo ilaaliyo danta qoyskiisa, jaarkiisa, degaankiisa iyo dalkiisa ba.  Ma aha intaas oo keli ah; bal dano ka sii weyn oo dadyowga adduunka isugu xidhan baa jira.  Kolka aynu u fiirsanno halka arrimahu ka qalloocaan, ma oran karnaa hiilada ayaa Soomaali ka lunsan oo taas ayey dawladnimo hagaagsani ugu sal dhigi la’dahay?  Kuwooda u roon na ku dar.  (Weedhsan.com). Soomaaliland oo Soomaaliya u faanta, iyaduba eexo qabyaaladeed iyo musuq bay ka kici la’dahay.  Duunka qof kasta oo uu u horreeyo hoggaankooda siyaasadeed , dalka ba waxa kaga weyn qolo Hebla  iyo danaysiga damaca naftiisa.  Tusaale ahaan, ninka sheeganaya hoggaamiye qaran ee mar kasta oo uu hawl u tegayo degmo dalkiisa ka mid ah, wadigiisu ka kooban yahay qoladiisa  oo keli ah ama u badan yihiin, miyaanu qaran dumis ahayn?

 

Maxaa Keenay?    

 

Weydiinta mudanta ahi waa maxaa wacay xalaaddan ayada ah?  Aynu dhacdooyin waqti hore ahaa dib u jalleecno.  Sagaalkii bishii Abriil, 1978kii, ayey qayb ka mid ahayd ciidamadii Soomaaliya ee ku soo jabay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia, isku dayeen afgembi lagu rido xukunkii Siyaad Barre.  Afgembigaasi isla subaxii la isku deyey ba wuu guul darraystay.  Dhacdadaas wax badan baa ka dhashay.  Midda u horraysa, u na mudani, waa siyaalaha looga falceliyey.  Ta u horraysaa waa ta kelitaliska oo ahayd mid la fili karo.  Markii ba waxaa la qabtay saraakiil iyo askarba, intii fakan kari weyday iyo dad rayid ah oo  aano qabiil lagu raaciyey.  Falcelinta dadweynaha ee hordhaca ahayd, ayadu waxa ay ahayd ifafaale gaar ah.  Tijaabada xukun maroorsiga qallafsan ee gacanta kulul iyo dagaalkii oo lagu jabay iyo guuldarradaba siyaasadeed, intuba waxay keeneen in dad badani jeclaysto taliska  Siyaad Barre oo la rido.  Waxa se uu ahaa laablakac hore  oo aan isweydiinayn muxuu afgembiga, laftiisu la imanayaa.  Hayeeshee, saacaado yar gudahood ba waxaa la ogaaday in afgembigii fashilay. Markan waxyaal dahsoonaa oo raad daba dheer ku yeelan doona Soomaaliya ayaa debedda yimid.  Falcelimihii afgembiga iyo fashalkiisa ba waa lagu kala tegay, waayo hiilo qabiil baa lagu kala ambaday.  Waxaa soo baxay dad u muuqda xoog abaaabulan oo qolo soocan ah oo in kasta oo ay magaca qarank iyo kaacaanka carrabka ku hayaan, aan laga shaki qabin in waxa soo dhaqaajiyey yahay hiilada qabiil ee Siyaad Barre iyo awoodda xukunka oo ay isxigsiinayaan.  Runtii na awel ba taas dadka kale way kaga duwanaayeen, waxaa na ka mid ahaa kuwo isu tusa in ay xidhiidh gaar ah la leeyihiin kelitaliyaha Siyaad Barre, taas oo dad badani- xataa madax sare oo dawladda ahi, ugu habran jireen.  Bal u fiirsada.  Koox isku qabiil ah baa isku dayday afgembi oo saraakiishii kale ka talo goosatay, aammindarro daraadeed.  Dadkii Soomaaliyeed na falcelin mid ah ama dhawaaq umadnimo u dhiidhiya  wuu yeelan kari waayey.  Dawladdii na tu ummadda ka dhaxaysa way noqon weydey, waayo, markii ba koox isku qolo ah ayaa gaar isu siisay dawladdii oo hubka guratay.  Muran ma laha oo toodu waxay la mid ahayd qaylodhaantii qabiilo ee soojiraanka Soomaalida lagu yaqiin; waxa ay ahayd hiilo tolliimo oo ay siinayeen Maxamed Siyaad Barre.  Ma ahayn qarannimada iyo nidaamka Dawladda oo u dhiidhiyeen.  Waayo taas isku ma ay gooni yeeleen; illayn dadka ka ma xigaanaye.  Arrintani waxa ay ahayd astaan si cad inoo tusay burbur bulsheed iyo siyaasadeed oo iman doona.  Waa kaas dadkii Soomaaliyeed; hilow iyo hiilo bulsheed mid ahi ka ma dhaxayso; waa isu ma ciirsato.

Arrintani, aniga waxay ii ahayd cashar aan ku bartay , ama aan ku ogaaday xadka uu dadku kala go’doonka yahay.  Laba arrimood baa i horyimid oo aan maalintaas yaqiinsaday.  Midi waxay ahayd burburka soo socda oo aan arkayey in dalkii Soomaaliya ahaa xeryo qoqob qabiil u kala googo’i doono.  Midda kale waxa ay ahayd in aan dawlad qaybyaalad ku dhisani, Siyaad Barre dabadii, saldhigi doonin.  Dal iyo qaran mid na ma wadaagto oo hilow iyo hiilo mid ah u ma laha. Waa la kala diday oo xeryo qoqob qabiil ayaa dhufays laga dhigtay oo la kala galay.  Maalin ay noqoto ba, waa la kala wada qaxi oo degaan qabiil baa loo kala guuri[i].  Qarannimo hagaagsani waxa ay sugaysaa goorta ay ka soo waaddo ee qabiilo meel kale lagu tiiriyo ee dadnimo iyo isahaashaha magac dal la isugu hiloobo.  Qofkii caqli leh ee hoos wax u axhadhaa wuu arkayey xaqiiqadaas.  Intii ka dambaysay ba taas bay ka maragkacaysay.  Bal aynu, wax yar, sii dabagalno.    (Weedhsan.com).

Haddii maalintaasi gudubtay, warar kale ayaa soo kordhay; wax badani na way dhaceen. Waxa laga war helay in afgembiga ay wateen- ugu yaraan hoggaaminayeen- koox sarkaallo ah oo isku qolo ahi.  Waxaa xigay in saraakiil iyo rayid ba, dad isla qoladaas ah la qabqabto oo degdeg “Maxkamaddii Badbaadada” loo saaro lagu na xukumo dil iyo xabsi dheer.  Kornayl Cabdillaahi Yuusuf oo Alle ha u naxariistee, ahaa hoggaamiyihii afgembiga fashalay iyo saraakiil kale iyo siyaasiyiin rayid ahi waxay isugu tageen Ethiopia, halkaas oo ka asaaseen Jabhaddii badbaadada Soomaaliyeed.  Jabhaddaas oo qolo ahayd ama u badnayd, Siyaad Barre qolo ahaantaas buu u la dagaallamay(u la ma dagaallamin xoog siyaasadeed oo dagaal hubaysan xukunkiisa ka la horyimid).  Degaankii qoloda Majeerteen buu weerarro  ku qaaday tuulooyinkii baa la gubay ceelashii biyaha ayaa la qarxiyey oo xataa xoolihii baa rasaas lagu laayey, odayaal badan na waa la soo xidhay.  Sidee looga falcelciyey?

Sida aynu nidhi bay noqotay. Maskaxda dadku qabiil bay ku kala go’doon ahayd oo ay ku kala oodnayd.  La isu ma ged-baxaynin.  Koox walba, kuwa afkoodu isu ammaan yahay, gooni bay isu la hadlayeen.  Giddiba Reer Hebel waa la xamanayey oo xabashi bay raaceen iyo wax bay keligood qoondaysteen oo qarsadeen baa lagu haaraamayey(ogow hadda, cidda keli wax qoondaysatay ee wax qarsatay, haddii ay jirto, koox saraakiil ah bay ahayd ee ma ahayn qabiil).  Ha yeeshee taasi waa weji kale oo tilmaamaya sida loo kala xidhiidh go’an yahay ee loo noqday qabaa’il aan is-aamini karin.  Maxaase laga yeelay falalka taliska gaboodfalaya?  Cod yeedha oo u damqanaya dadka waxmagalsbsatada ah ee mudug iyo Nugaal lagu laynayo hal cod baa jiray; waa Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) iyo tixdiisii Hoomboro ama Heeliyo sida dadku u la baxay.  Waxaa halkaas ka muuqatay, sida dadkii u kala dareen go’ay, in aan hoggaan mid ah oo mideeyaa na ka soo dhex bixi karaynin.  Magac dal iyo ummadnimo ku ma wada dhaadato oo u ma wada hilowdo isu gu ma na hiiliso.  Ku qiyam caddaaladeed, sharci iyo xaq dadnimo na, colaad baa ku gudban. Waxay noqonaysaa isuma hilowdo, isu ma hiiliso, iyo isu ma ciirsato.

Isla waqtigaas siyaasad xadgudub iyo kadeed ah ayuu Talisku ku fulinayey dadweynaha gobollada Woqooyi Galbeed, Togdheer iyo Sanaag.  Waxay lahayd dhawr weji oo giddiba ah dibindaabyo ku jahaysan, gaar ahaan, qoloda la yidhaa Isaaq oo gobolladaas u badan.  Markii dagaalka laga soo noqday ciidammadii u badnaa waxaa la dejiyey gobollada Woqooyi  Galbeed(hadda Maroodi-jeex) iyo Togdheer.  Tallaabada kowaad waxay ahayd in maamulkii Gobolka ee rayidka ahaa la tiro oo loo dhiibo xoogga millatariga.  Korneyl Gaanni oo laga dhigay Taliyaha Qaybta 26aad oo xarunteedu Hargeysa ahayd, ayaa la hoos geeyey dhammiba hay’adihii  maamulka madaniga oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii gobolka, kuwii degmooyinka iyo xafiisydii wasaaradaha dawladdu.  Waxay Gaanni iyo ciidammadiisu si ba’an u dhex galeen noloshii bulshada rayidka ah.  Dad badan oo hogorkii bulshada ah- odayaal, culumo, ganacsato iyo aqoonyahanno ayaa la xidhxidhay, saraakiil ciidamada ahaa ayaa la laayey, hantidii dadka ayaa marar badan sharci darro lagu qaatay.  Kaabayaashii adeegga bulsheed ayaa la curyaamiyey oo ku dambeeyey higil tamarta gabay.  Qaarkood kaalintoodii ba baa laga duway oo wax  kale ayaa loo adeejiyey.  Waxaa tusaale u ah dugsiyo waxbarasho oo door ahaa baa ciidammo la dejiyey.   Waxaa kale oo u tusaale ah cisbataalladdii gobolladaas oo howlgabay, markii laga jaray miisaaniyaddii ay ku socon jireen. (Qoraalkan waxa laga soo xigtay Mareegta Weedhsan.com).

Kooxdii magaca Uffo la baxday, 1980kii/82jii, waxaa dhiidhigoodu ku bilaabmay dhibaatooyinkaas ayaga ah.  Falcilintii taliska ayaa, run ahaan, dadka si kale u baruurijisay oo waxa ku socda u tustay colaadin ku arooraysa cunsuriyad qabyaaladeed.  Gacan kulaylka lagaga faceliyey nadiifinta cisbataalka Hargeysa, taas oo gaadhay xabsi, jidhdil iyo in maxkamad salleeli ah la saaro  dhakhtarradii, macallimiintii iyo guud ahaan ba aqoontii gobolka, lagu na xukumo xabsi aad u dheer, intu ba si kale, ayey dadka wax ugu sheegeen.  Waxaa  raacay oo ayadu na tusaasheeda lahayd xoogga talisku u adeegsaday tacaddiga iyo kadeedka dadka oo summad qabiil loo yeelay.  Falalka gaboodfalka kelitalintiisa, Siyaad Barre qabiil buu huwin jiray, si ay uga dhalato falcelin colaadeed oo weji qabiil lehi.  Waa na sida ay noqotay, waayo dadku waxa ay arkayaan gacanta nacabka “Reer Hebel” ee dhibaatada ku haysa.  Waxay ka mid ahayd tabaha Siyaad Barre dalka ku xukumayey ee uu ugu talo galay in uu falcelinta dadka habaabiyo.  Waa si ay uga dhalato uurkutaallo iyo utun qabiil.

Tu kale ayaa  la raaciyey.  Qaxootigii ka dhashay jabkii dagaalka, badankoodii waxaa la dejiyey Woqooyi Galbeed, waxaa na loo rogay jabhado hubaysan oo foolxumooyin badan dadweynaha Isaaq ah ku la kaca.  Siyaalo kala duwan buu talisku qaxootigan dadka ugu dhufan jiray. Isla waqtigaa waxa uu Talisku abaabulay ciidammo la yidhaa Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed.  Waxaa se laga abaabulay qolooyin gaar ah oo uu Siyaad Barre ujeeddo colaad abuur ah ka lahaa.  Waa na loo  fahamay sidaas oo waxay keentay colaad weji qabiil leh.  Runtii Siyaad Barre buro ma siinaynin kuwan uu dhulka soo dejinayo ee colaaddaas ayuu meesha ka rabay.  Waa la garan karaa waxa uu ku kaci karo ciidan hubaysan oo isku qolo keli ah ka koobani.  Jiritaakiisa keli ah ayaa qolyaha kale ku abuuraya didmo iyo shaki ; marka uu ciidankaasi dhagar iyo falxooyin kula kaco dadka na, colaad ba’an baa ka dhalanaysa.  Qorshaha Siyaad Barre ayaa sidaa ahaa. Way na noqotay.

Ku ba fillayde, waa  se uu ku sii talaxtegay.  Waxaa gobolladaa la soo dejiyey ciidammo ku hubaysan hubkii dawladda oo qabiilooyin gaar lagu soo soocay;  ku na kacaya fal kasta oo sharciga ka baxsan; hayeeshee aan laga dacwoon karin.  Waa siyaasaddii dawladda Siyaad Barre iyo amarkii taliska sare ee xoogga dalka, ha yeeshee gacanta fulinaysa ee dadku arkayaa waa niman ka soo jeeda qabiil la yaqaanno oo Reer Hebel la yidhaahdo.  Sidaas ayuu Siyaad Barre ku abuuray Colaad fog oo qabaa’ilka dhexdooda ah.

Siyaad Barre, waxa taas ka keenay kursiga madaxweynennimo oo ka cabsaday  in lagu soo hungureeyo; waxa uu lahaa ayagu ha isu muuqdaan oo ha isku jeedaan; wax se weyn oo kale ayaa ku lumay.  Marka hore gobol iyo degmo kasta waxa laga abuuray qalalaase iyo degnaansho la’aan joogto ah.  Isla markaas na wacyigii Soomaalinnmo ee gumeysigii shisheeye la iskaga xoreeyey ee dagaalladii 1964kii iyo 1977/8kii lagu galay ayaa  ku suulay.  Soomaalinnimadii la isugu soo hiloobay ee la isku abtirsaday iyo ruuxdii ummadnimo ee koraysay ayaa dhimatay.  Garaadkii dadku dib buu guuray oo qarannnimadii baa noqotay hub halis ah oo shisheeye cadow ah gacanta ugu jirta.  Hiiladii qabiil baa la wada hoos galay.

Qarannimadu, inta aanay noqonin daaraha dawladda iyo xafiisyadeeda iyo dirayska askariga, waa dareenka ishaanshaha muwaaddinka ku abtirsanaya magaca dalka iyo qarannimadiisa. Haddii ay u gacangasho koox isku qolo ah, waa lagu kala tegayaa waa na la kala duun-go’ayaa.  Qarannimo na halkaas ayey ku burburaysaa.  Xataa iyada oo higilkeedii oo weli taagan yahay, ayuu dalkii Soomaaliya la odhan jiray dumay.   Qarannimo waxay sugantaa marka ay tahay awood habaysan oo dadka dhammaantii ka dhaxaysa oo sharci loo siman yahay ku socota.  Siyaad Barre awooddii qarannimo ayuu meesheedii ka qaaday oo uu xero magac qabiil dhigay.  Kuma na deynin intaas ee dadkii kale ayuu, mar ba qolo ku weeraray. (Qoraalkan waxa laga soo xigtay Mareegta Weedhsan.com).Untun colaad qabiil baa ka abuurantay; magacii la wada sheeganayey na waa laga dareen-go’ay.  Waxii uu Taliskii Siyaad Barre geystay baa ba la isu wada haystaa.  Waa la yaabe tii uu Siyaad Barre dhigay baa ilaa maanta lagu doonddonayaa qarannimo.  1981dii ayaa Hadraawii maansadiisii Debedyaal ku yidhi:

Kala durugsanaant’iyo

Degadana nin baa shiday.

Dawad’uu ku huriyaa,

Rag in ay ku demiyaan,

Dannigoodu faryaa.

 

Waxaa keenay Cabsi.

 

Warqaddi u horraysay ee 21kii Oktoobar, 1969kii, ka soo baxday afgembigii Siyaad Barre hoggaaminayey wuxuu ballanqaaday in xukunka millatari muddo kooban ku samayn doon maamul hagaajin; ka dib na talada dalka ku celin doono gacanta bulshada rayidka.  Tu se ku liddi ah baa markii ba ka muuqatay.  Bulshadii rayidka ahayd ururradeedii bulsheed iyo xisbiyadeedii siyaasadeed ba wuxuu ku soo saaray xeerar iyo amarro tirtiraya; wuxuu na ka yeelay dembi la isku xidho.  Xorriyada fikirka iyo ereyga iyo dhaqdhaqaaq kasta oo dadku wada yeelan karo, xataa dhawr qof oo meel ku kulma na ha ahaatee, waxaa laga dhigay dembi aad u culus oo ciqaab kulul lagu mutaysto.  Qodobkii ugu mudnaa ballaqaadkii taliska millatari kaas ayuu ahaa oo lagu ma hakanin; dhaqso ba waa laga baxay.  Waxaa uu Siyaad Barray waqti yar gudihii ku guulaystay in awoodda talada dalku gebi ahaan ba asaga ku ururuto.  Golaha Sare ee kacaanka, Golaha Xoghayeyaasha (Wasiirrada) iyo habka gasoorka dalka ba waxa uu ka dhigay aalado fuliya waxii uu asaga garto ee goosto.  Waxa uu abuuray kelitalin, dalka iyo dadku ba, dammaan ay asaga kelidii noqdaan- xaalad caqli iyo falaad kale ba meesha ka baxo.  Waxaa jiraa waa Siyaad Barre oo keli ah.  Diktaariinnimo tiftiran buu abuuray.

Kelitalin waxaa keena xukun jacayl; ayadu na waxay ka timaaddaa cabsi bur walba belo ka eegta.  Siyaad Barre babbisada loo riday,  habarta xeyn adhi ah baadiyaha ku raacata, waxay habeen kasta ku fakirayso, ayuu raadin jiray in uu ogaado.  Ma aha kabadbadin iyo buunbuunin ee waa dhab.  Qof kasta, da’ kasta oo uu yahay, darajo kasta oo uu leeyahay, cabsi baa ka haysay in uu mansabkiisa duullimaad ku yahay ama-ugu yaraan- hunguri ka hayan karo.  Si-araggiisu waxa uu ahaa haddii aanay habartaasi iyadu awoodda talada dalka hunguraynin, mid hunguri ka hayyo oo ku soo maqan bay la jiri kartaa.  Wiilal korayo ah oo dugsiga Sare ee Banaadir(Muqdisho) dhiganayey iyo kuwo dugsiyada Ceergaabo ayagu na dhiganayey, baa lagu xidhxidhay oo la yidhi waxay wadeen qorshe kacaanka lagu afgembiyayo.  Siyaad Barre laftiisa ayaa looga ergeeyey oo ku tilmaamay cadow halis weyn geliyey “kacaanka”.  ‘Qof kastaa dembi wuu geli karaa’  iyo ‘ninna sugi maayo ilaa iyo inta uu kursiga iigu imanayo’ waa hadalladii uu odhan jiray.  Waxay ahayd cabsi ka dhalatay jacalaysiga xad dhaafay ee jagada madaxweynennimo.  Waa xaalad nafsi ah oo ku dheggan kurisga madaxweyne, ilaa xad aanu suurayn karin in uu sina ba uga dego oo uu nolol caadi ah ku noolaado.  Wax aan ahayn May 9, 2015Cadde, Alle ha u naxariistee  oo markaas noolaa)agtiisa ayey taallay madaxiisa se ku ma soo dhacaynin in nolol xurmo leh la noolaan  karo.

Sidaas darteed, waxa qudh ah ee uu isweydiiyaa waa sidii taasi ku soorogelin lahayd.  Tab iyo xeela5/13/2015May 13, 2015May 13, 2015d ba wixii uu ku tashaday waxaa ka dhshay,  wax ka daran oo aanu asagu ba ku talo gelin.  Dalkii uu islahaa weligaa xukun baa ku burburay; asagii na maalin buu, asaga oo firdhad ah ka baxay Muqdisho, dibna ugu ma soo noqonnin; wax badan oo kale ayuu dalkii kaga tegay.  Qaran dumay, burbur dhaqaale iyo bulsheed, dhimasho iyo qax baa dhacay.  Waxaa raacay magac Soomaali la yidhaa iyo wax kasta oo ay u wada hilowdo iyo wax ay isugu hiilin lahayd ba wuu ka dilay.  Waxaa uu ka tegay dad aan wax ba isku darsan karin.  (Qoraalkan waxa laga soo xigtay Mareegta Weedhsan.com).

Asaga oo keli ah ma ahayn waa lagu weheliyey.  Waa la la diriray Siyaad Barre laga mase dirirn tabahiisii.  Cadhadii qabiil ee uu asagu dadka ku abuurayey ayaa falcelisay oo la diritay.  Loo ma hiloobin oo loo ma hiilinnin  dadnimada, xaqa iyo caddaaladda ee inta ba waa laga hiiliyey.  Nacaro qabiil oo uu aargoosi wato ayaa lagu fogaaday.  Kala durugsanidii iyo dabkii uu asagu shiday baa la wada qaatay oo lagu dagaalgalay.

Dad aan magac dal iyo dadnimo isu gu hiloobin oo aan xaqa iyo caddaaladda isu gu hiilinin, qarannimo u ma toosayso.  Ma been baa? Haddii ay tahay anigaa idhi.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”

Email: inacabdillaahi@yahoo.com