“Somaliland Gorgortan Ma Galin Karo Qof Kasta oo Awood Lihi” Sheekh Aadan Siiro

 

 

Hargeysa(SLpost)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa khudbadii jimce ee shalay wuxuu  qaar ka mid ah ganacstada ugu baaqay inaanay shilimaadka uu Alle siiyay ku kala qaybin bulshadooda.

 

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu sheegay inaan qofna gorgorton gelin karin qaddiyadda Somaliland, isagoo sheegay inaan qofna lagu ixtiraami karin inuu ka soo horjeesto qaddiyadda umadda. “Kii baystanayda haystay ayaa loo taag layahay oo dadkii qaybinaya oo dadkii rabshaya. Lacagta illaahay ku siiyay markaad doonto in dalkii dhamaa kooto lagaaga dhigo oo aad ku shaqaynayso, aniga haamaha i siiya, aniga dekedda I siiya aniga isgaadhsiinta ii xidha, islaamkuna wuu la dagaalamayw waxal a yidhaahdo Kootada.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Wuxuu Sheekh Aadan soo jeediyay in la ilaaliyo nabadgelyada uu Alle ku manaystay Somaliland taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalmba leh. “Markaynu aragno wax nabadgelyada waxyeelaya inagoo dhammaystiran waa  inaan nidhaahno wax soconaya oo dalka dhaqaya maaha.”

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aadan yidhi, “Somaliland gorgorton ma gelin karo qof kasta oo awood kasta leh ama magac kasta leh ama bulshada acyaanteeda ka mid ah nooc kasta ha ahaadee. Haddii intaan soo qaado calanka buluuga ah aan masaajidka taago oo la yidhaahdo odaygii masaajidku ee Aw Xirsi xornimadiisa ayuu leeyahay, saadambe uu Aw xirsi kale bakhaarkiisa ka taago calankii buluuga ahaa.”

Wuxuu sheekhu sheegay inaan qofna lagu ilaalin karin inuu qaddiyada umadda dhaawaco oo uu waxyeelo.

Gebo-gabadii Sheekhu waxaa uu khudbaddiisa kusoo khatimay baaq uu bulshada ugaga digayo in gooni isu taagga iyo madax banaannida Somaliland ay si sibiq ah meesha uga baxdo, isla markaana ay qarannimadu ku dhacdo haadaan afka ka qafilan oo Soomaali weyn hoosta ka qodayso. Si gaar ah waxaa uu Sheekhu fasiraad ka bixiyey cidhib-xumada uu Calanka buluuga ahi u horseedi karo Somaliland, isaga oo hadalkiisu  nuxur ahaan daba socday xiisaddii dhawaan mashquulisay ra’yul caamka bulshada ee ku saabsanayd tallaabadii ay fannaaniinta xidigaha geesku kaga degeen xamar ee soo noqoshadoodu xadhiga Sababtay “Haddaan calan buluug ah intaan soo qaado aan masaajidka ka taago maaha in la yidhaahdo wadaadkii Aw Xirsi ahaa ee masaajidku xornimadiisu leeyahay, oo Xirsi kale uu sahan-dembe bakhaarkiisa dhakadiisa ka taago calankii buluuga ahaa, ka warrama haddii kaasna la yidhaahdo xornimadiisa ayuu leeyahay?”. Sidaa ayuu Sheekhu yidhi, waxaana uu intaa ku daray “Waxaan idiin sheegayaa Buluuga madawi [Dark Blue] waxa uu yahay. Qur’aanka waxaa ku sugan oo Illaahay yidhi kuwa mujrimiinta ah maxaa qiyaamaha lagu yaqaannaa?, waxaa lagu yaqaannaa Mujrimiinta nin baa hor socda, ninkaasi calan buu sitaa, calankaasi waa Dark Blue. Taas kasokow bal waxaad baadhaan oo aad internet-ka ka raadisaan cidda ka barakaysata Midabka Buluugga madaw ah, waxaad eegtaan munaasibadaha iyo xafladaha ay yeeshaan Maraykanka iyo yuhuuddu. Calanka maraykanka iyo calanka Israa’iil waxaa ku jira dark Blue. Munaasibad kasta oo ay diin ku xusayaan ama muslimiinta ku leynayaan  waxaa ku jira midabkaas. Waayo taas waxaa la mid ah sida ay innoogu yidhaahdeen lambarka saddex iyo tobnaad [No. 13] waa lambarka nasiib darrada [Unlucky Number]. Markaad tiriso magacyada [ereyada], lambar saddex iyo toban waxa uu ku beegan yahay ereyga [M] oo ah magaca nebigeennii NNKH ereyga uu ka bilaabmo. Markaa walaalayaal aynu is ilaalino, allena aynu dembi dhaaf weydiisanno SW.”