Qaar Aan Aw-barkhadle Gaadhin Ayaa Xukuumada Dhaliila

Soomaalida hore ayaa loo sheegay in hogaamiyaha kaliya ee u talin karaa inuu yahay nin ka adag oo dalka ku hogaamiya kalidii taliye, sababtoo ah hadii loo seeto dheereeyo sida maanta oo kale ayey umada hogaanka u haysa aflagaado iyo eryo xajiin badan oo aan qaban ku odhan lahaayeen.

Kaas kalidii taliyaha ah hadii maanta uu jiri lahaa dad badan ayaa u dhiman lahaa cabudhsanaan iyo isku buuq, laakin ilaahay ayaan taas inagu qaban oo weynagaa aad arkaysaan in xoriyatul qawlka waxa loogu yeedhaa uu dalkeenan yar biyo dhigay, islaan kastaa wataa Tv-yada lacagta ah prepaid-keedu ku shubaynaysa dabeeto waxay doonto kaga dhurmaysa.

Madaxweyne Siilaanyo hogaanka wadanka uu u hayo hadii indho caafimaad qaba lagu eego wax badan ayaa la qabtay oo aan laga masuugi Karin, ceerigaabo ka soo bilow ilaa min galbeedka ay Borame u koonayso.

Dad badan oo aan Awbarkhad arag ayaa warbaahinta soo fadhiista oo dhaliilo u jeediya xukuumada madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo badankoodu ka bartay ereyga cambaarayn iyo qabyaalada ayuu siilaanyo wadanka ku soo kordhiyey, ilaahbaan idinku dhaariyee bal daacad iyo wanaag ku eega wax dalka loo qabtya iyo horumarka la gaadhsiiyey.

Madaxweyne Siilaanyo hadii uu nin qabiil yahay halkanba laysma soo gaadheen mar hore ayaa dalka lagu kala carari lahaa, qaybaalad hadii ay arrintu tahay doorashana ma heleen waayo beeshiisu halkay degto waa la yaqaan, halka uu ka soo baxayna waa Hargeysa.

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga Siilaanyo inuu wadanka wanaajiyey waa la wada yaqaan ee yanaan been isku sheegin dadka aan wadanka wada gaadhinow,

 

Qalinkii Khadar Cabdiraxmaan

khadarc16@gmail.com