Hala Sii Daayo oo xorriyadooda haloo soo celiyo Fanaaniinta Xiddigaha Geeska iyo inta dulmiga ku xidhanba! – W/Q. Ifraax Cali Kirix

ifraax kirixDawladan hada wadanka ka talisa ee uu madaxwaynaha ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud ka hor intaanay ku guulaysan doorashoyinkii sanadkii 2010ki waxa jiray xeer dhigayey inaan cid ka tirsan laamaha dawlada xukumadda tegi kaarin Xamar ama Muqdisho ee cassimada Soomaaliya, ninkii tagaana sharcigaasi qabanayo. Laakinse, markii ay xukuumadan Kulmiye, waxay ka codsatay Golaha Wakiilada ee JSL in xeerkaa meesha laga saaro loona xalaaleeyo in dawladu wadahadal la furan karto Dawlada Xamar.

Markii Golaha Wakiiladu sharcigii hore laaleen islamarkana uu codeeyeen codsigii xukuumada waa tii xukuumada Axmed Silaanyo wadahadalka la gashay Dawlada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar ee madaxweynaha uu ka yahay Xasan sheekh Maxamuud. Waa tii shirar badan lagu kala qabtay dalalka UK, Turkiga, Djibouti iwm. Qodabadii kasoo baxay waxa ka mid ahaa in isu socodka dadka ee labada dhinac, markii Sharcigii dhigayey inaan Xamar qof matalayaa Somaliland tagi kaarin la laalay, waxay taasi ka dhigan tahay in qofka u dhashay labada dhinac midkoodanaba ha ahaa dee uu tagikaro meesha kale.

Qofka reer Somaliland uu tagi karo Xamar iyo muwaadinka Xamar jooga uu imankaro Hargaysa. Waa tii isu socodku sida xawliga ah u bilaamay labada dhinacba. Maxaa maanta keenay in fanka oo aan isagu shaqoo ba ku lahayn arimaha siyaasada, in Fanaaniinta lala beegsado ayado aynu ognahay in maalin walba siyaasiyiintu u kala gooshaan labada magaalo oo qaar hada xilal hayaa dhawaan Xamar ka yimaadeen? Sharciga qabanaya waa kee, ileen sharcigii hore loo dhigay waatii xukuumadani laashay ee meesha laga saraay? Fanaanku marka uu ummad uu fanaan u yahay inu tago saw calankooda kusoo dhawayn maayaan oo ku maamuusi maayaan?

Maxa kale u dhiib uu leeyahay ama kusoo dhawayn lahaayen? Hadii ay Addis Ababa ee cassimada dalka aanu jaarka nahay Ethiopia tagaan kana soo heesaan, ma Calanka Somaliland ayaad sugaysay in lagala horyimaado mise dadka reer Ethiopia iyago calankoda luulaya ayey soo dhawaynlahaayeen? Bal u fiirso fanaaniinta caalamka marka ay aduunka ku wareegayaan, dee wadan kasta oo ay tagaanba dadkoodu iyo tageeryashooda ba ayaa calaknkooda ayaa lagu soo dhaweeyaa. Marka ay Xidiguhu Xamar tagaan maxaa kale ee lagu soo dhawaynlahaa?

Hala siidaayo oo xoriyadooda haloo soo celiyo fanaaniinta iyo inta dulmiga u xidhanba.