Aragtidayda Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladda:

 

 

 

Dharaarahan goloyaasha bulshadu isku aragto waxa ka aloosan olole la sheegay in lagu cidhibtirayo qabyaaladda. Shaacinta barnaamijkani wax ay ka dambaysay ka markii wasiir ku xigeen dhallinyaro ahi shaqadiisii uga tegay u hiilinta qaranka. Kadib markuu ku qanci waayay qaabka wax u socdaan. Go’aan adag ayuu iila muuqday sababo badan daraadeed. Waa mide marka la eego Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu ahaa wasiir da’yar mustaqbal wacanna leh, intii uu siyaasadda ku jirayna aad looga mahad sheegtay hufnaanta shaqadiisa. Midda kale Cabdikariim waxa uu is casilay waqti xil loo wada oommanaa oo maalin walba aynu maqalno qayladhaanta beelaha kasoo yeedhaysa. Wuxu qaatay khatar hore loogu hungoobay wax ka qabashadeeda oo ay dawlado waaweynina u taagwaayeen. Arrinkaasi dhinac waxa uu uga muuqdaa geesnimo weyn oo wanaagga lagu tijaabinayao.

Dhinaca kale ololahani wuxu ku beegmayaa Seben inkaaran iyo surunsuur oodan oo aan sinaba looga bixi karayn. Wuxu kusoo beegmay xilli ay qabyaaladdu la mid noqotay quutal daruuriga maalinllaha ee noloosheenna. Xilli nidaamkeenna dawladnimo ku dhisanyhay qabyaalad. Xilli xaafadaha loo kala deggenyahay qabyaalad. Xilli xataa biyhii la cabbayay lagu iibsado qabyaalad. Mushkiladda sidaa u weyn ee dhuuxa iyo lafta inaga gashay in si laabllakac ah loo abbaaraa waxay sababi kartaa hungo iyo fara madhan.

Soomaalilaand markii ay go’aansatay gooni isutaagga wixii heshiiyay ee dawladda ku dhawaaqay beelo ayay ahaayeen. Waxa kale oo jira heshiis guud o qabyaaladeed oo ka dhexeeya beelaha wada dega Soomaalilaand, oo haddii beeli madaxweyne noqoto in beel kale ku xigeenka qaadato. Si la mid ah golaha xukuumada, wakiillada, guurtida iyo garsoorku waxay ku dhisan yihiin hab beeleed. Waxaa kale oo jirta qabyaalad kaba yaan daran midda aan is qabyaaladayno oo ah mida faquuqa iyoo yasida ku dhisa ee beelaha la hayb sooco. Qabyaalada aan is qabyaaladayno ee ku kala qaloonnaa la mid maaha mida halista ah ee aynu ku haynno walaalheenna gabooye.
Bahasha sidaa u baahday in la yidhaahdo waa la cidhibtirayaa waxa ay iila muuqataa nin yidhi irbad ayaan maroodi ku qalayaa. Kelmadda ‘cidhibtir’ waxaan u aqaan tirtirka wax laga takhallusayo. Kelmadda laftigeedu kuma habboona in loo adeegsado xaqiiqadan horteenna taalla. Waxaaba igala habboonayd ‘Ololaha Wacyigelinta Qabyaaladda’. Markii barnaamijkan la ballaysimayay siyaabo kala duwan ayaa looga dareen celiyay. Dadka qaarba sibay u macneeyeen.

Qaar baa aaminsana in cida waxan waddaa ay ku rabto dallacaad nololeed barnaamijkanna sallaan laga sii dhiganayo, kuwa kale ayaa rumaysnaa barnaamij aan ka tujumayn wadciga dhabta ah ee aynu immika ku jirno , qaar kale ayaa niyad wanaag iyo kal furan kusoo dhaweeyay. Si kastaba ha ahaatee anigu waxaan aamin sanahay barnaamijkani in aanu ka turjumayn xaqiiqda qabyaaladda tolnimada iyo is garabsiga ku dhisan. Loona baahnaa axadh iyo odoros qoto dheer oo biya dhiijiya quluubta shacabka. Cidda keli ah ah arrinkan gacan ka geysan karaana waa hoggaamiye geesi ah oo ku dhiirrada furfurka reeraha sharcigana ka shaqaysiiya. Iyo in la tayeeyo dawladnimadeenna si looga maarmo waxyaalo badan oo immika tolnimo laysugu garabsado.
Ugu danbayn cidda hawshaa isku xilqaantay waxaa an ugu hambalyaynayaa niyad wanaagga iyo damaca wadaniyadeed ee qabyaaladda hoos loogu dhigayo.

Xamse Cabdi Ibraahim