Dabinnada Iyo Uubaha Siyaasadeed

 

Dhowaan ayaan aljazeera.net ka akhirstay maqaal ciwaankiisu ahaa ”Snowden oo soo nooleeyay aragtidii mumaamaradda ee Ruushku qabay: Bin Laadin wuu nool yahay”. Dabadeed waxaa baraarugay feejignaan iyo digniin aan hore u qabay oo ku saabsan indhasarcaadka iyo jahawareerka fikir iyo siyaasadeed ee ay quwadaha waaweyni dunida ka wadaan. Masaladaas oo laba waji leh middood waa ta ta qoraalkaa kor ku xusan la gu soo qaaday, waana mu’aamaradaha Maraykanku bulshooyinka muslinka ah ku hayo. Ta kalena iyada ayay la caynad tahay laakiin ka horjeeddaa, waana xeeladaha Ruushka ee amuurtaa ku saabsan.

Qoraalkaa aynnu ka hadlaynno oo loo la jeeday fashilinta siyaasadda dahsoon ee Maraykanka ee cadaawadda iyo dhagarta tabadan, sida aynnu arki doonno runnimadeeda waxaa marag loo ga dhigayaa laba sarkaal oo Ruush ah. Run buuxda ayay taasi ahaan kartaa, waana aragti muddo dheer soo jirtay. Waxaa se qumman arrinta in wajigeeda kalena la eego; wajigeeda kale ee ah kaalinta Ruushka oo ah quwad si adag u la loollanta Maraykanka. Sida hadalka labadan sarkaal innooga dhadhamaysa, Ruushku u gu yaraan wax uu ka shaqaynayaa xoojinta sheyddaannnimada Maraykanka la gu tuhunsan yahay ee ah in uu dunida xumaato uun ka wado.

Waxaa maxay danta ka dambaysa faafinta aragtida ”maleegidda” ee sheegaysa hoog wal oo Maraykanka  ku dhacay in is la Maraykanku maleegay si uu dano kale oo waaweyn u meelmarsado? Wax aynnu odhan karnaa afar qolo oo afar danood oo ka la duwan leh ayay mid waliba fikraddan dhankeeda ka faafisaa. Dabadeed muhiim ma aha in ay run tahay iyo in kale, waxaa se muhiim ah in in ay dhab ahaan karto, sidaana la is la qaatay.

Qolada hore waa muslinka badidooda aan dagaalyahanka ahayn se diiddan siyaasadaha Maraykanka ee dalalkooda ku wajahan. Qoladan oo kalsooni darro aad u weyn Maraykanka u haysaa iyada oo dhaliilaysa siyaasadaha dalkaas iyo faragelinta taban ee uu ku hayo, wax ay u aragtaa in uu samaynayo tab iyo xeelad walba oo uu muslinka wax ku yeelayo. Halkaas ayay ka timid in la yidhaahdo la-Qaacida, al-Shabaab, IS, Daalibaan iyo koox walba oo la dhibsaday in la gu sheego balaayo uu Maraykanku soo hubeeyay, oo haddana in uu col la yahay ha is ka dhigayo. Maamullada dawladaha muslinka badankoodu dadweynaha waa ay u daayaan rumaysnaantan, waayo wax ay ku qariyaan fashilkooda iyo bulshadooda ay nabadayn kari waayeen.

Qolada labaad waa quwadaha waaweyn ee awoodda dunida Maraykanka ku la loollama, siiba Ruushka, kuwaas oo aad u xoojiya aragtidaa cabashada ah ee ay muslinka taagta darani qabaan. Danta Ruushka ee halkan ku jirtaa waa in Maraykanka la ga dhigo sheyddaan dunida shar la dhex wareegaya, sida uu isaguba Ruushka sidaa u ga dhigo, waana in la dilo kalsoonida muslinka iyo Marayanka dhexdooda. Sidaas bay u naaxiyaan shakiga iyo niyad xumada ay bulshooyinka muslinka ahi qabaan. Haddii aynnu u fiirsanno labada sarkaal ee halkan la gu soo qaatay hadalkooda eray walba dantaas baa ku jirta.

Qolada saddexaad waa qaybo bulshada Maraykanka ka mid ah oo sababo ka la duwan u diiddan hannaanka dawladeed, ama bulsheed, ama dhaqaale ee dalkooda. Kooxahan oo arrinkoodu aydoolajiyad iyo cabasho bulsheed u dhexeeyo, dareenkan waxaa geliyay kalsooni xumo ay u hayaan dawladnimadooda iyo guud ahaan awoodaha dalkooda ka jira.

Qolada afraad ee u gu dambaysaa waa sirdoonka Maraykanka qudhiisa. Tusaale ahaan in ay bulshooyinka muslinka ah ku dhex faafto kooxaha dagaalyahanka ah ee sheegta in ay jihaadayaan in ay yihiin ciidammo uu Maraykanka qudhiisu u soo abaabulay hagardaamada muslinka, wax ay dhaawacaysaa sumcadda kooxahaas, dhallinyaradii niyadsamida u gu biiri lahayd ayayna shaki gelinaysaa. Sababtaas ayaanay Maraykanku dan u ga gelin beeninta aragtiyaha caynkaas ah ee bulshooyinka muslinka dhex wareegaya.

Sida ay doontaba ha ahaatee, haddii ay xaqiiqo tahay siyaasadaha dunida iyo xidhiidhka ummadaha in ay ka buuxdo is xeeladayn, is jahawareerin, is basaasid, is dumin iyo is qabsasho, waxaa kale oo dhab ah in ay jiraan dawlado maanta taa ku foogan oo ku fogaaday. Dhanka kalena waaxaa jira dawlado aynnu ka mid nahay oo wacyigooda siyaasadeed aad iyo aad u liito, kuwaas oo tab walba iyo dabin kasta oo loo dhigo si fudud u gu dhaca. Ayaandarrooyinka dadyow badan maanta haysta shaki la’aan cid kale ayaa soo maleegtay.

Waa kan hoos ku yaalla haddaba qoraalka aynnu ka hadlaynnaa isaga oo aan soomaaliyeyay.

”Snowden oo soo nooleeyay aragtidii mumaamaradda ee Ruushku qabay: Bin Laadin wuu nool yahay”

Waxaa qoray Ashraf Rashiid – Aljazeera.net

Hoggaamiyihii al-Qaacida, Usaama bin Laadin, in kasta oo ay warbaahinta Maraykanku sheegtay in sannado ka hor la dilay, haddana waxaa muuqata in uu weli yahay barta ay dhacdooyinku ku wareegayaan. Edward Snowden wax uu shaaciyay in uu hayo caddaymo taariikheed oo xaqiijinaya bin Laadin dhab ahaan in uu nool yahay, oo deggan yahay jasiiradaha Bahamas, halkaas oo ay sirdoonka Maraykanka ee CIA ku ilaaliyaan.

Edward Snowden oo hore u ga tirsanaa sirdoonka Maraykanku xogtii yaabka lahayd ee uu hore u faafiyay oo dhami waxba ka ma aha tan u gu dambaysay oo dad badan amakaag ku ridday, oo ah xidhiidhka dhabta ah ee hoggaamiyihii la dilay ee al-Qaacida Usaama bin Laadin iyo Maraykanka, iyo kaalintii uu ninkaasi xidhiidhkaa ku lahaa sanooyin badan, iyada oo ay malyuumaad qof moodi jireen in uu ahaa nacabka kowaad ee Maraykanka.

Snowden wax uu sheegay in uu hayo caddaymo aan muran lahayn iyo xogo sugan oo xaqiijinaya Usaama bin Laadin in uu nool yahay, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, oo deggan yahay jasiiradaha Bahamas, halkaas oo ay sirdoonka Maraykanka ee CIA ku ilaaliyaan.

Snowden oo imika ku nool Moosko wax uu u sheegay wargeyska Ruushka ee Moscow Tribune in uu hayo caddaymo ah sirdoonka Maraykanku in ay lacago u direen qaar ka mid ah dadka raacsan hoggaamiyaha al-Qaacida. Wax uu kale oo uu sheegay isaga qudhiisu (Snowden ahaan) in uu ka tirsanaa kooxda diyaarisay qorshaha dilkii indhasarcaadka ahaa, wax uuna ballanqaaday in uu xaqiiqooyin kale ku soo bandhigi doono buug uu dhowaan soo saarayo.

Snowden oo ahaa sirdoon Maraykan, markii uu hawsha ka fadhiistay inta uu iyagii is ku rogay ayuu goostay in uu faafiyo siro iyo fadeexado basaasnimo oo ay hay’adda sirdoonka Maraykanku waddo, isaga oo baxsad ah ayuuna Ruushka magangalay halkaas oo uu imika deggan yahay.

Lamafilaan ma aha tani

Janan Ruush ah oo la yidhaahdo Leonid Ivashov isaga oo faallaynaya waxyaalaha uu Snowden ka hadlay wax uu sheegay taasi in aanay isaga lamafilaan ku ahayn, waxa uu Snowden yidhina aanay xaqiiqada ka fogayn, waayo isaguba (Ivashov ahaan ) wuu arkay siro iyo caddaymo qoran oo sirdoonka Maraykanku lee yahay, wax uuna yidhi ”haddii la eego sidii degdegga ahayd ee ay Usaama bin Laadin u ga faraxasheen, iyo sida ay maydkiisa badda u gu rideen, waa la rumaysanayaa sheekada dilku in ay ahayd ruwaayad si liidata loo jilay”.

Ivashov intaa wax uu ku daray ”Maraykanku kolkii uu hawshaa fulinayay wax uu baahi aad u weyn u qabay in uu sheegto guul beenabuur ah oo uu ku daboolo guuldarrooyinkii badnaa ee gudaha iyo debeddaba ka haystay, kuwaas oo ka dhashay siyaasad xumadii iyo khasaarihii uu meelo badan oo dunida ah ka la kulmay”. Wax uu sii yidhi ”haddii sheekada Maraykanka wax runnimo ahi ku jiri lahayd, oo Usaama bin Laadin ahaa lahaa argagixiyaha kowaad ee ay ugaadhsanayeen, sidii ay odhan jireen, waxaa la ga filayay in ay qabtaan oo maxkamadeeyaan”. Wax uu intaa sii raaciyay ”wax qarsoon ma aha Usaama bin Laadin in uu ahaa sirdoon Maraykan, mana ahayn taasi wax sirdoonka Ruushka ka dahsoon, is la markaa Maraykanku ma beenin”.

Mu’aamaradda qarsoon

Dhanka kale danjire Anrey Pakalnov, oo ah kuxigeenka Ururka Diblomaasiyiinta Ruushka, wax ay la tahay ”waxa uu Snowden ka warramayaa wax ay marag u tahay in ay jirto duni ka duwan tan aynnu ku nool nahay, oo ay jiraan mu’aamarado si qarsoon loo maleego, taas oo ay xaqiiqadeedu liddi ku tahay muuqaalka dusha ee dadka caadiga ah la tuso”. Wax uu ku sii daray ”tusaale ahaan waxaa la hirgeliyay dareen nafsiyadda dadka dunida oo dhan la gu beeray, kaas oo ah in ay jirto awood argagixiso oo fallaago ahi, taas oo ay is hayaan quwadda samaha iyo ilbaxnimada oo Maraykanku matalayo”.

Isaga oo u warramaya Aljazeera.net intaa wax uu raaciyay in xogta uu Snowden shaaciyay ay xoojinayso ”in Maraykanku yahay hormuudka argagixisada, kooxaha argagixisada ah oo dhamina yhiin laamo ay hay’addooda sirdoonku sida ay doonto u maamusho”. Wax uuna caddeeyay ”ma suurawdeen argagixisadu in ay sii jirto haddii aanay jirin cid nafaqaysa oo siisa dhaqaale, hub iyo xog, taas oo aynnu ku arki karno cidda ka dambaysa falalka argagixisada siyaasadaysani dhab ahaan cidda ay tahay”. Wax uu ku daray, baqdinta la ga qabo argagixisadu wax ay sii jirsiinaysaa dawladuhu in ay dagaal heegan u ahaadaan, iyo gadashaa hubku in ay xoogaysato, iyo in Maraykanku sii haysto awoodda uu talada adduunka ku lee yahay, una dhaqmo si sharciga ka baxsan, iyada oo marmarsiinyuhu yahay argagixiso la dagaallan.

Danjire Anrey Pakalnov wax uu xusay ”waxyaalo ay dadka dunidu sannado badan rumaysigooda caadaysteen dhab ahaantii waa been la ururiyay oo uu Maraykanku faafiyay si uu u ga dhigto xeelad uu soohdimaha ummadaha ku bedbeddelo, weerarrada maanta la gu wado ururka Dawladda Islaamkuna wax kale ma aha ee waa qayb cusub oo khiyaanada Maraykanka ka mid ah, siiba iyada oo la wada og yahay ururka Dawladda Islaamku in uu yahay waji kale oo ah al-Qaacida taas oo uu maamulka Washington sheegi jiray in uu la col yahay”.

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”