Malaayiin Xujaaj ah oo Maanta Taagan Buurta CARRAFA.

Makkah(SLpost)- Maanta oo ay tahay maalinta ugu muhiimsan maalmaha gudashada acmaasha xajka ayaa malaayiin xujaaj ahi dul taagan tahay buurta Carrafo si ay u gutaan waajibaadkooda kuwaasi oo ka kala yimid daafaha adduunka.

Waxaa Buurta Carrafo u dareeray sannadkan  in ku dhaw 3-milyan oo qof oo ay ku jiraan Xujey Soomaali ah oo ka yimid caalamka dacaladiisa, iyadoo saaka ay istaageen maanta oo dhana ay dadkan taagnaanayaan.

Xujaajta ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujaajtu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ciidaha samaawiga ah ee Islaamka.

Xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamku uu ku dhisan yahay, iyadoo qof walba oo muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

Si kasta oo ay tahay, Sannadkan ayaa wuxuu Xajku kusoo beegmayaa xilli ay ka dhacday mashaqo Masjidka Xaramka, kaddib markii uu soo go’ay wiish ka mid ahaa kuwa dhismaha ka waday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan boqol xujaaj ah.