Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay Arrinta Haamaha Shidaalka.

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)- Nuxurka shir jaraa’id oo ka soo baxay kulan ay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye maanta isugu yimaadeen xarunta madaxtooyada JSL ayaa lagu sheegay in aanay jirin heshiis ay xukuumaddu cid la gashay oo ay u soo gudbisay golaha wakiilada. Waxa kale oo lagu sheegay shirkaa jaraa’id in arintaa wali xukuumaddu gacanta ku hayso oo ay ka baaraan degayso.

“Arintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda.   Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya ha sugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya.

Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedin  maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed” ayaa lagu yidhi shirkaa jaraa’id ee ay soo wada saareen xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye.