Xasan Sheekh Oo Sheegay Inay Furmi Doonaan Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya u Dhaxeeyay Iyaga Oo Waji Cusub Leh

 

Muqdhiso(SLpost)-Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlaayay shirka maamulgabeedyada Somaliya iyo dawladooda dhexe uga scoda Muqdisho,ayaa soo hadal qaaday in wada hadaladii u dhaxeeyay iyaga iyo Somaliland ay dib u furmi doonana iyaga oo leh waji kale.

Xasan Sheekh ayaa rajo wacan ka muujiyay sii socoshada wada hadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya, waxana isaga oo arinta si kooban uga hadlay uu yidhi ”Meel wanaagsan ayay marayaan wadahadalladii hadda ayay waji cusub u gudbi doonaan, rajada arrintaasina aad iyo aad ayay u fiican tahay, balse wadahadalka hadda socda mar walba waxaan diyaar u nahay in aan kawada shaqeyno wixii Shacabka Soomaalida dan u ah,”

 

Somaliland ayaan iyadu dhankeeda ka hadlin sheegashada Xasan Sheekh ee inay wadahadaladii furmi doonaan . wadahadalada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya ayaa ku burburay markii ergadii ka socotay Somaliya lagu soo daray sadex xubnood oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.