Qolfoof Aadame U Eke Ah Oo La Helay Iyo Dhaqanka Uu Noolahaasi La Wadaagayey Aadamaha Maanta Jira

ohannesburg (SLpost)- Waxaa dhowaan dalka Koonfur Afrika laga helay qolfoof aadame u eke ah oo loo malaynayo inuu ahaa noole dunidan soo maray oo lahaa muuqaalka iyo dabeecadda aadamaha ee ah in maydka la’ aaso. Isla markaana noqon kara aadame qaab-dhismeedkiisu ka duwanaa kan hadda nool.

 

Godadka caanka ku ah hadhaadiga taariikhiga ah ee Swartkrans iyo Sterkfontein oo ku yaalla Woqooyiga galbeed ee magaalada Johannesburg xarunta dalka Koonfur Afrika ayaa laga helay qolfoofkan ay cilmibadhayaashu ku tilmaameen nooc cusub oo Aadamihii hore ka mid ah, waxa aanay ku magaaabeen Homo Naledi, ereyga hore waa Ingiriisi halka ereyga labaadna uu yahay afka Sotho ee lagaga hadlo dalka Koonfur Afrika, waxa aanu labadan erey macnahoodu isku noqonayaa Xiddiggii soo baxayey.

Xeeldheerayaasha cilmiga hidde-raaca aadamaha oo qolfoofkan baadhaya ayaa sheegay in jinsigan aadamaha ahi uu sida Aadamaha hadda oo kale maydkiisa aasan jiray, taas oo wax ka beddelaysa aaminsanaantii hore u jirtay ee ahayd in aasidda maydku ay ku koobnayd aadamaha oo aanay cidkale oo ka horreysay la wadaagin.

Qolfoofkan cusub ee ay cilmibaadhayaashu heleen ayaa ay sheegeen in uu leeyahay muuqaal isugu jira mid aad ugu eeg aadame iyo mid ka duwan.

Daka Koonfur Afrika ayaa laga helay tirada ugu badan ee qolfoofka aadamaha iyo noolaha kale ee aadame u ekaha ah, kan hadda la helayna waxa uu ka kooban yaha y15 ruux oo isugu jira da’ yar iyo waayeel, waana hadhaadi qiyaas ahaan ka kooban illaa 1500 oo wasladood.

Xigasho Geeska Afrika