Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inuu Soo Gaadhay Go’aankii Golaha Wakiilada Ee Madaxweynuu Ku Soo Celiyay,Kana Hadlay Gogaanka Ay Qaadan Doonaan

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inay maanta soo gaadhay soo celinta go’aankii golaha ee madaxweynuu soo celiyay, waxaanu gudoomiye Cirro uu sheegay in go’aan sharci uu golahu ka gaadhi doono arinkaas.

Soo clinta go’aan golaha wakiiladu uu gaadhay ayaa noqonaysa markii ugu horaysay Somaliland, waxaana isaga oo guddoomiye Cirro arintan ka hadlaayay uu yidhi “Golahu go’aan ayuu gaadhay madaxweynuuna warqad ayuu soo qoray, warqaduna imikay golaha timi ee shalay may iman, isaga ayaa go’aan ka gaadhi doona. golahu laba waxbuu soo saaraa midi waa xeer oo waa sharci dastuurka ayaana tilmaamay, madaxweynuu marka uu golahu u gudbiyo xeer waa inuu saxeexo ama ku soo celiyo 21 maalmood gudahood, go’aanka gole in madaxweynuu uu soo celinkaro dastuurka kuma cada caadana may ahaan jirin go’aan golahu gaadhay in madaxweynuu uu soo celiyo, markaas arintaasi waxay u baahantay si sharciga waafaqsan inuu golahu uga go’aan qaato.”

Somalialndpost

Hargeysa Somaliland