CARUURTEENU MA AGOON ABAHOOD NOOL YAHAYBAA? Q 2

 

Caruurnimadu waa marxalad nololeed la soo wada maro(caruur oo dhan)oo dabiici ah oo Alleh (swt) ugu talagalay noolaha adamigu inuu soo wada maro, waa xil saran labada waalid iyo bulshadaba barbaarinta caruurta,waa marxalada tijaabo u ah waalidka gudashada xilkooda waalidnimo.

Waa dhisida mustaqbalka akhlaaqeed,diineed,dhaqan,cilmi,fikir iyo  shaqo.

Caruurtu waxay ifka u soo baxdaa (dhalataa) iyaga oo  nidiif ah dhinackasta  oo maskaxdoodu xaashi cad tahay balse waxay qaataan oo ku qorma marwalba wanaag iyo xumaan wixii bulshada uu ku dhex barbaarayaa ku qorto xumaan iyo wanaag maskaxdaas xaashida cad la mid ah.

Caruurta maantu waa Culimadii,Hogaamiyayaashii,Engineeradii,Dhakhtaradii,Macalimiintii ,ganacsatadii,barito ee umada markaa waxaa waalidka waajibku ah barbaarintooda diineed iyo bulsho,dawladana waxaa waajib ku ah

u diyaarinta tasiiladkii barbaarineed ee ay u baahnaayeen caruurtu oo waafaqsan baahiyahooda diineed,dhaqan,waxbarasho,ciyaareed iyo barbaariniyeed.

Caruurtu waxay u baahan tahay tarbiyad fiican,waxbarasho,ilaalin,talo siin,caafimaad,iyo cunto isku dheelitiran,waxaa oo dhana waa waajibaadka dhamaanteen(dawlad,shacab iyo waalidba).

Umadi waxay baabadaa marka ay tarbiyadeedu baabado.Nasiib wanaag hadii aynu somali nahay Alleh(swt) wuxuu inoogu nicmeeyey islaamnimo aynaan  ku soo dhibtoon oo aynu ku dhalaney Alleh mahad dhamaanteed iska leh,balse dadaal darideena diinteena waxba kama naaqaan,si fiican ugama faa’iideysano ku dhaqankeedu waa inagu yar yahay taasi waa tan u sababta ah in aynan si fiican ugu barbarin caruurteedna dhaqanka wanaagsan ee islaamnima,sababtana u ah dayaca badan ee ka muuqda fahamka guud iyo dabaqida kitaabka iyo sunaha (Kitaabka Alleh(swt) iyo sunaha saxa ah ee nebi maxamed(NNH).

Dhinaca kale waxaa jira aqoon daro balaadhan oo inaga haysata fahamka iyo qaababka loo la dhaqmo caruurta,marxalad kasta oo noloshooda ka mid ah ee dhinaca koritaanka garaadka iyo jidhkaba,qaabka loo fahmo caruurta sida wax loogu sheego ee loo dhiso garaadkooda,xalinta mashaakilaadka ka dhasha nolosha maalin laha ah ee degaanada. Arimah waxaynu ku lafa guridoonaa maqaaladeena dambe hadii Alleh(swt) idmo………..

Mahadsanidin dhamaan

M  J  Farah

Political analyst and writer