Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Wakiilada Ku Celiyay Go’aankii Ay Ku Laaleen Kiraynta Haamaha Shidaalka

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu maanta soo saaray golaha wakiilada Somaliland dib ugu celiyay go’aan ay dhawaan ku laaleen in haamaha keydka shidaalka ee magaalada Berbera lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa go’aanka golaha wakiilada Somaliland ku tilmaamay ina uu dastuurka ka hor imanayo. Waasiirka xidhiidhka golayaasha ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa go’aankan uga waramay wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac “ Go’aanka golaha wakiiladu ay gaadheen waxay ka horimanayaa dastuurkeena qodobka 14-aad faqradiisa 3-aad oo odhanaysa waxay xukuumaddu awood u leedahay inay yeelato gacankuhaynta hanti guurto ah ama ma guurto, inay iibsato ama iibiso,kiraysato ama ku badalato qiime u dhigma oo sharciga waafaqsan,hadii go’aan ama xeer ka horimanaayo dastuurkeena ma shaqaynaayo, markaas go’aanka ay soo sareen waxa uu ka horimanayaa qodobkaas sidaas daraadeed marka uu madaxweynuu arkay qodobkaas iyo ka 38-aad iyo qodobka 39-aad, waxa cadaatay in go’aanka ay qaateen iyo qodobada ay ciskadeen aanay wax xidhiidh ahba lahayn, markaas madaxweynuu dib ayuu ugu soo caliyay go’aankii ay qaateen.”

Golaha wakiilada ayaa u codeeyay mooshin ay golaha horkeeneen gudida ilaalinta hantida qaranka, waxaanay laaleen in la kiraynkaro haamaha shidaalka, laalitaankaas oo ay xukuumaddu markiiba sharci daro ku tilmaamtay.