Ismaaciil Hure Buubaa Oo Hargeysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Sheegayna Inuu Horumarka Somaliland Ka Shaqayndoono

Hargeysa(SLpost)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa saaka si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa.

Siyaasigan ayaa ka soo kicitimay dalka Gadar oo mudooyinkii ugu danbeeyay uu ku sugnaa,  waxaana madaarka ku soo dhaweeyay odayaal,dhalinyaro,haween iyo qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani.

Ismaaciil Buubaa ayaa Somaliland ka maqnaa mudo kudhaw labaatan sano, waxaanu intaas xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Somaliya, waxase haatan uu sheegay inuu qaatay mabda’a Somaliland isla markaasna waxii awoodiisa ah uu horumarkeeda ka shaqayndoono.

waxaana isaga oo warbaahinta si kooban ula hadlay uu yidhi“Dhalinyarada,odayaasha, dumarka iyo dadka farahabadan ee saaka halkan iigu yimi aad ayaan ugu mahadnaqayaa,saxaafadana si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa, waynu wadahadali doonaa inbadan laakiin waxaan hadalka ku soo gaabinayaa waan ku faraxsanahay imaanshahayga, waxyaabo badan waynu ka wadahadali doonaa waxaanse rajaynayaa in wanaag iyo guul ay u soo hoyato Somaliland aniguna aan waxii kartidayda ah ka gaysto.”

 

 

vvxx vvx vvv vvvvvv

 

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland