Hooyo ugu geeriyootay magaalada dacarbudhuq Irbada dhiig-joojinta oo aan oolin iyo war la’aanta ka haysa wasaaradda caafimaadka

kan sax saloDegmada Dacarbudhuq oo ah degmo baladhan oo ay ku nool yihiin bulsho aad u badan oo u baahan adeeg caafimaad ayaa waxa mudooyinkii ugu dambeeyey soo ifbaxaya dhibaatada ka haysta bulshada xaga caafimaadka degmada taas oo sababtay geerida hooyooyin tiro badan oo ay ka mid tahay marxuumad maryan cali oo ay geerideeda sababtay   dayac la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaanba degmada oo aanay jirin adeeg ku filan xiliga dhalmada ,arinta u naxdinta badan ee ka dhacday xarunta degmada laasgeel ayaa ahayd dhamaadkii weegii hore markii ay marxuumada maryan cali (AHUN) ugu geeriyootay la’aanta irbada dhiig joojinta taas oo laga waayey xarunta MCH dacarbuqudh oo caasimada dalka Somaliland Hargeysa oo ay u jirto masafo dhan 90KM maamul xumada iyo ka warhayn la’aanta adeegyada aasaasiga ee ay bulshadu u baahan tahay ,

dhacdan naxdinta lahayd ee ka dhacday magaalada dacarbudhuq waxay sawir sax kaa siinaysaa fadhinimada hogaanka degmada maamula kaas oo habayaraatee aan ka war hayn xaalada caafimaad ee ka jirta degmada u maamulo gudoomiyaha degmada laasgeel oo ah xudunta isku xidha gobalada bariga iyo kuwa galbeeda ahan degmo qadiima ah oo taariikh iyo xadaarada leh oo ay ka soo jeeda bulsho qiimo ku leh Somaliland oo ay qaar ka mid marwada qaranka marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo madax iyo aqoonyahan ,siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo aan la soo koobi Karin kuwaas oo ay runtii degmadu u baahan tahay inay ka hawlgalaan horumarinta degmada iyo bulshada ku dhaqan labadba ,               waxaan ugu baaqay madaxda iyo masuuliyiinta ugu horeeyo wasiirka wasarada saleeban ciise (xaglotoosiye) iyo agaasimaha guud ee wasarada caafimaad inay si degdega ug gurmaadan bulshada jilicsan ee ay masuulka ka yihiin ee reer dacarbuqudh ee u baahana gargaarka dhinica caafimaadka ah ,sidoo kale waxaana masuuliyiinta wasarada cafimaadka ugu baaqi lahaa inay keena dhakhtaartii iyo kalkaaliyaal caafimaadn oo u adeeg bulshada ku dhaqan deegaanka degmada dacarbudhuq

 

Qalinkii : Eng saleban siciid cumar

Email: ducale330@gmail.com

Tel: 0634042146