Xildhibaan Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag Oo Ka Qaylo-dhaan ka diray Abaaro Deegaanadaas Ku Dhuftay

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto bariga Sanaag ayaa xukuumadda iyo haayadaha caalamiga ah ka dalbaday in dadka deegaanada bariga Sanaag la’la gaadho taakulayn, isaga oo sheegay inay abaarahu deegaanadaas ku dhufteen.

IMG_8D40DE-E26F4A-FCCD17-68E535-59866F-AF4BED-777x437

waxa uu xildhibaanku sida oo kale u soo jeediyay xukuumadda inay adeegyada caafimaad iyo waxbarashada dadka deegaankaas la gaadhsiiyo,waxaana arimahaas isaga oo ka hadlaayay uu yidhi“Abaaro ayaa jiray oo dalkoo dhan saameeyay, galbeedka ayay aad u sii saameeyeen waana laga hawlgalay, barigana abaarii way ka jiraan oo ilaa gobalka Badhan masuuliyiin ayaa ka soo hadlay, markaas waxaanu dalbanaynaa in abaarahaas laga hawlgalo, waxa inagu soo food leh doorashooyin marka ay yimaadaana codkooda waa loo baahan yahay dadkaas shacabka ah, markaas inta ka horaysa inay helaan waxii ay xaqa u lahaayeen haday tahay caafimaad,waxbarasho iyo taakulayn kaleba, haayadaha caalamiga ah iyo wasiiradaba waanu wada hadalnay gudi ahaan, markaas waxaan ku rajo weynahay in arimahaas doorashada ka hor wax laga qabto