Damalkii Aakhiraystay

 

 

Axmded Maxammed Ciise(Soodaani)

1942——-2015

Axad 30.08.2015

Wax ay ahayd maalin nasasho, hurdada xoogaa waan ku daahay. Barqo dheer ayaan shil la’aan toosay. Waxaan u baxay suuq maalintan Axadda oo keli ah furan oo gurigayga kambalkiisa ah. Xoogaa markii aan joogay oo ay kowdii duhurnimo saacaddu ku siqayso waxaa telfoon iisoo diray Shaafici Cabdi oo walaalkay ah. Markaan u jawaabayay waxan niyaystay in uu I leeyahay alaab xaafadda ka go’aan soo qaad ama arrin xaafadda ku saabsan. Marnaba ma filan waxa uu ii sheegay iyo qaabka uu iigu sheegay: “Hello, hee walaal”

Waxa ii xigtay: Waar ma ogtahay geerida Awoowo Soodaani? “Yaa? Awoowe aa? Hee? Miyuu ka sii daray?

” Waar wuu dhintay Awoowe Soodaani.” Runtii dhegtu waajibkeedii gudatay dhawaaaqana way I maqashiinaysaa laakiin anaa qaadan kari waayay. Markii aan xaqiiqsaday in awoowe xijaabtay waxa I hor yimi amuuro door ah. Waxaan fadhiistay kaabad ku taal suuqii aan joogay. Waxan xasuustay maalintii wejigiisa iigu danbaysay horraantii Diiseembar 2014 ayay ahayd. Annaga oo badan ayaanu u tagnay. Aad baanu u sheekaysannay. Duco iyo dardaarana waanu soo kala qaadanay. Akhristaha sharafta lahoow waxba yaan hadalka badine Aan ku baro shakhsiyaddii Sharafta lahayd ee Marxuum Soodaani.

Wuxu ku dhashay miyiga Gobolka Togdheer. Wuxu ku barbaaray magaalada Jabuuti. Halkaas ayuu malcaamad quraanka iyo dugsi hoose kaga baxay. Dugsi dhexe wuxu ka galay Cammuud, Boorame, Dugsigiisii Sarena waxa uu ka baxay Banaadir Secondry School oo Muqdisho ku yiil. Soodaani halgan dheer oo wax barasho ka dib waxa uu helay deeq wax barasho jaamacad ah oo ku taal waddanka Soodaan. Haseyeeshee jaamacaddaas muu ajiibin, waxaanu kusoo noqday waddanka Jabbuuti halkaas oo uu ganacsi ka bilaabay. Soodaani ganacsigiisii Alle waa u barakeeyay waxaanu noqday fooldaadkii ganacsiga Soomaaliyeed calanka u siday sannadihii todobaatanaadka illaa badhtamihii siddeetamaadka ee burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Xillyadii qalalaasuhu ka aloosmay Soomaaliya rajiimkii dalka haystay wuxu bilaabay ugaadhsi ka dhan ah dadka reer Soomaaliland gaar ahaan ku wooda baayacmushtarka ah. Marxuumku wuxuu ka badbaaday dhowr shirqool oo nidaamkii dad qalka ahaa u maleegay. Islla waqtigaas ayaa la xiyaray hantidiisii waxaana lala wareegay markab uu lahaa, badeecooyin kala duwana ay u saarneeyeen dad yaw reer Soomaaliland ahi. Intaas wixii ka dambeeyay Soodaani waxa toos u galay halgankii dib u xoraynta qaran. Waxaanu soo qabtay Jabuuti. Halkaas ayaanu ka amaamuday hawlihii halganka. Waxaanu noqday biriij adag oo isku xidha Jabuuti iyo Jabhaddii SNM. Intii halganku socday aad ayuu uga qayb qaatay heliddii xorriyada, waxaanu go’aan saday in uu maalkiisa inta hadhayba halganka u fideeyo. Waa halkaas halka uu ku burburay maalkii Soodaani ee faraha badnaa. Marii la xoroobay, halgankii xaq u dirirkuna guulaystay wuxu ka mid ahaa dadkii ay u cuntami wayday qabyaaladdii iyo dagaalladii sokeeye ee dalka dib uga qarxay. Isagoo ka niyad jabsan in midhihii halganku sidaa u ekaadaan ayuu iskaga noqday dalka, waxaanu dib u degay dalka Jabbuuti. Wuxu noqday oday dhaqameed beelaha Soomaaliland halkaa u jooga, wuxu noqday damal dadka kala gura marka wax kala galaan, oo la aaminsan yahay. Dadka oo dhamina ay jecel yihiin. Wuxu noqday wakiilka Dahabshiil ee Jabuuti. Waxa kale oo uu noqday guddoomiye xigeen ka duqa caasimadda Jabuuti. Wuxuu ahaa masuuliyinta ugu mudan ee ganacsiga dalka iyo siyaasadaba wax la ga waydiiyo. Marxuumku badhtamihii sagaashamaadka ayuu safar tamashlle ah ku tegay waddamada Yurub qaar ka mid ah sida Iswiiserlaan,Fiinlaan iyo Ingiriiska. Markaas ayaa qaar ka mid ah asxaabtiisu ku qalqalqaaliyeen in uu is dhiibo, qaxoontina dalbado. Haseyeeshee Axmed-Soodaani waa ka santaagay. Aniga Axmed Soodaani sanadkii 2003 ayaa araggiisa iigu horraysay mar uu indha indhaynayay baaqigii hantidiisa. Waxa uu ahaa nin dheer oo qurxaan ah, cirro boosh ah oo ku xarragoodo ayuu lahaa. Wuxu ahaa xarragaawi aan weligii maro duug ah lagu arag. Had iyo goor waxa uu xidhan jiray macawsaha qaaliga ah ee danbe. Ookiyaale cadna madaxa ayuu saaran jiray. Kaatun silfer ahna wuu qaadan jiray. Bakoorad madaw oo qurux badan ayaanu dhigi jirin. Had iyo goor waxa degta u saarraan jiray cimaamad rishwaan ah oo si wacan u laallaaban.Awoowgay waxa uu jeclaa uudugga markasta oo aan booqdana waan ugu roonaa. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee berigaa araggiisa waxa ii xigay Abriil 2009 ayaan imi Jabuuti aad ayuu iisoo dhaweeyay si milge,naxariis iyo waalidnimo leh ayuu ii sooryeey. Markan xoogaa waan sheekaysannay arrimo badann waanu ka wada hadalnay. Islla sannad ka dib ayaanu Jabuuti kusoo noqonnay annaga oo qoyskii oo dhan ah arrimo dhoof ayaanu u soconnay. Maalmahaas Yemen ayuu ku maqnaa oo u xagaa bixi jiray, markii uu soo noqday Halkaas ayaan xoog isugu baranay oonu aad isu dhex gallay. Wuxu ahaa deeqsi gacan furan. Waxaan ilaahay hortii marag ka ahay Soodaani oo qof martiyay aanu qadoodi kaga noqon. Jeebkiisa lacagtu kama dhammaan jirin. Haddii in uun deeqsi jiro Soodaani deeqsi buu ahaa, aan adduunku agtiisa qiimo ka lahayn. Waxan xasuustaa habeenkii aanu Jabuuti ka dhoofaynay sidii uu noo sagootiy noona amba bixiyay. Run ahaan waxa uu ahaa shakhsiyad aan ereyo lagu macnayn karayn. dhawr sano kadib xanuunkiisa ayan mar kale kula kulmay Addis ababa Ogos 2013 ayay ahayd. markan awoowo diif xanuun ayaa ka muuqatay aad ayaan uga naxay run ahaan, waxa la joogtay oo haysay xaaskiisa ayeeyo Caasha Haybe laakiin isaga in hargab hayo maad moodayn sidii uu u farxadda badnnaa ayuu u qoslayaa iila kaftamay. Sidaan xagga sare kusoo sheegay haddana Diiseenbar 2014 ayaanu Burco kukulannay. markan aad ayuu uga sii daray maantana waata xaqii kusoo degay. Awoowe waxa uu ka tegay laba wiil iyo Xaas. sidoo kale waxa uu ahaa awoowga keli ah ee noo hadhsan reer Maxammed Ciise-Madoobe. intaaba marka laga tago lafta aan ku arooro abaal weyn ayuu ku leeyahay 20 Sano hantidiisa ayaanu siyaabo kala duwan u manaafacaadsanynay. Gurigiisa ayaan dugsiyo kala duwan ku dhammeeyay oo hoy noo ahaa. Wuu nala kifaaxay waqti ay adkayd in la istaageeraa. Aad ayaan u jeclaa awoowgay Ilaahayow kuu naxariiso oo jannadii ku gee. Neecawda jannada iyo Nebigii la kulan. Nabad gelyo Awoowo.