Wasiir Cukuse Oo Sheegay In Aanay Xukuumaddu Doonayan Inay Kirayso Haamaha Shidaalka

Hargaysa (Slpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa si faahfaahsan uga hadlay qadiyada haamaha kaydka Shiidaalka ee Berbera.

Wasiir Cukuse oo ka hadlaya go’aankii shalay ay gaadheen golaha wakiilada ayaa sheegay “Sheekada ilaa Maalmahan aanu maqlaynay ee Golaha Wakiiladda Somalilandna u codeeyay qaraar ay sheegeen inay kaga hortageen ama ku hor joogsanayeen Wax ay ugu yeedheen haamaha kaydka shiidaalka berbera,oo Cid gaara la siiyay,Marka hore waxaan doonayaa inaan shacbiga Somaliland inaan u cadeeyo waxay arrintani tahay iyo xigmada ay xambaarsan tahay iyo sida ay rasmi ahaan wax uga jiraan.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu xusay oo kale “Haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera waxay ka mid yihiin hantida shacbiga Somaliland ee ay gacanta ku hayso xukuumada Somaliland, si sharciga waafaqsan,hantidaasi waxay ka tahay dhibic yar oo ka mid ah hantida ma guurtada ah iyo ta guurtada ah iyo qaniimada kale ee dalku leeyahay,”.

Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu is dul taagay awooda uu sharcigu siinayo xukuumada marka laga hadlo Khayraadka dalka “qodobka 12aad ee distoorka qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu cadaynayaa Mas’uuliyada hantidaasi iyo kaalinta ay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay,Qodobkaasi waxa uu sheegayaa in Xukuumada Somaliland u Xilsaaran tahay hantidaas gacan ku haynteeda awoodna ay u leedahay inay iibiso,inay Kirayso, inay wax kale oo u dhigma ku bedesho oo qaranka ay dan u mooday iyo inay iyadu Maamusho-ba.”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu ka hadlay Sidii Golihii Wakiilada ee hore ay u diideen in Shirkadii Total lagu wareejiyo haamaha Shiidaalka ee Berbera iyo Garnaqsigii ka dhashay “Shalay waxaa haamahaas gacanta ku hayay Shirkadii la odhanayay Total waad ogtihiinoo Wakhtigii Cigaal Markii Shirkadaas total ay Timid golahan Wakiilada Golihii ka horeeyay inta ay fadhiisteen bay sidan oo kale waxa ay yidhaahdeen heshiiskaas Total lala galay waanu laalnay, Garnaqsi dabadeed iyo markii la isula soo daadagay arintii rasmi ahaan wixii xukuumadu haamahaasi shiidaalka ee ay gacanta ku haysay ay dan u mooday oo ahaa inay Total gacanta ku hayso oo ay dib u dayac tirto oo ay inoo samayso ayuun bay ahayd”.

Wasiir Cukuse waxa uu ka hadlay oo kale Saluugii ay dawlada Madaxweyne Siilaanyo ka Muujisay Maamulkii Shirkada Total “Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee Maanta joogtaa haamahaasi sidii loo maamulayey iyo Total sidii ay u maamulaysay Waxay u aragtay Khalad,Markii lala xisaabtamay ee Wasaaradda Maaliyadu tagtay markii la wada hadlay waxaa la go’aansaday in gacanta xukuuumada Jamhuuriyada Somaliland lagu soo celiyo,intii Xukuumadu gacanta ku haysay Haamaha shiidaalka horumar badan ayaa lagu sameeyay wax badan ayaa laga qabtay”.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Maadama ay Mas’uuliyada Kowaad ee arrintaasi ay leedahay Xukuumadu waxay Xukuumadu gacanta weli ugu haysaa sidii Maamulkii haamaha, Waxaan doonayaa inaan kala cadeeyo Laba Qodob.

  1.     Marka hore maba jirto heshiis ay xukuumadu intay gashay ay ku wareejisay haamihii,oo Maamulkii haamaha ay cid kale gacanta ku hayso weli waxaa gacanta ku haysa Xukuumada .
  2.     Ta labaadna waxay tahay Xukuumadu ma damci kartaa inay Cid kale ku wareejiso  haamaha maamulkooda,wuu iman karaa waana wax jiri kara ra’yigaasi Weliba Wuxuu ugu qurux badan yahay in Xukuumadu iyadoo Shacbigeeda eegaysa oo ilaalin iyo Xaq dhawrka ay leeyihiin u danaynaysa oo Korinta ganacsiga u danaynaysa oo Haamahaas daryeelkooda danaynaysa oo Haamahaas in Muwaadin gacanta ku hayo danaynaysa Marka ay dhiirigeliso ganacsato isu tagtay oo awoodaas iyo kartidaas la timaada inay iyagu noqon karaan kuwo maamulkaas gacanta ku hayn kara in la dhiirigeliyo xaqaas muwaadinkuna waa mid waajib ah,Xilkaasna waxaa Xukuumada u fasaxay Distoorka Jamhuuriyada Somaliland, Sidaa darteed uma arkayo anigu wax lagu wareero arrintaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu intaas ku daray in Golaha Wakiiladu ay u taalo arrin intaas ka badan oo golayaasha qaranka ay  ummadu ka sugayso kuwaas oo ay ugu mudan tahay u diyaar garowga doorashooyinka .

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelintu Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu dhanbaal tacsi ah u diray alle ha u naxariistee Marxuun Siciid Cali Giir oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Laascaanood isla markaana ka mid ahaa halgamayaashii kaalinta weyn ka soo qaatay xoriyada Somaliland kana mid ahaa dadka taariikhda ku leh dhinaca warbaahinta isagoo eebbe uga baryay inuu naxariistiisa Jano ugu deeqo, Qoyskii, Qaraabadii Iyo qaranka Somalilandna uu samir iyo iimaan ka siiyo