Laba Biyo Xidheen Oo Dawladda Imaaradka Carabtu Ay U Samaynayso Somaliland

40b2af420c02cf3661fc9637b80534e5_L

Hargeysa(SLpost)-Dawladda imaraadka Carabta ayaa shaacisay inay dalka Somaliland si dhakhso ah uga fulin doonaan laba mashruuc oo lagu hirgalinaayo dhaamam biyo xidheeno ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayada Khaliifa Foundataion ee dalka Imaaraadka carabta H.E Mohamed Alkhoori. Waxaana labada masuul ka wada hadleen sidii mashaariicda Hayada ka wado dalka u sii xoojin lahayd.

Safiirka ayaa uga mahad ceshay doorka taakuleynta ee hayadani kaga jirto dalka, Iyada oo iminka ay gacanta ku hayso dhowr mashruuc oo ay ku jiraan labo dhakhtar, mashruuca biyo galinta ee xumbo wayne. Iminkana gacanta ku hayso arinta gurmadka abaaraha.

Dhanka kale waxay Masuulka Hayada khayrigu ee khaliifa Foundation sheegay in labo mashruuc oo cusub ay Dawladda Imaraadku ka hirgalin doonto dalka Somaliland, kuwaas oo ah Dhaamam waa weyn oo biyo xidhiino ah, maadaama baahida ugu weyn ee Somaliland hadda jirtaa ay tahay Biyaha.

Arintan ayaa noqonaysa mashruucii sadexaad ee dawladda Imaraadku ay ka fuliso dalka Somaliland tan iyo intii Somaliland safiirka cusub u magacawday dalkaas. Dhinaca kale Dalka Imaraadka Carabta oo kamid ah waddamada ugu qanisan Khaliijka ayaa laga dareema xidhiidh isu soo dhawaansho ah oo uu la yeelanaayo Somaliland, iyadoo Diyaarada Flay Dubai ay hadda si joogto ah u timaado dalka.

Dhinaca kale Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta Danjire Baashe Cawil Cumar ayaa gudoonsiiyay madaxa hayadaas abaalmarin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Silaanyo, taas oo ku aadanayd doorka ay ka gaysteen mucaawinooyinka uu dalka Imaaradku siiyo waddanka Somaliland.