Xildhibaan Xoog Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Musuqbadan Ku Samaysay Haamaha Shidaalka

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa xukuumadda ku eedeeyay in aanay golaha wakiilada marna horkeenin wax heshiisyo ay gashay, waxaanu sheegay in musaq badan uu ka dhacay haamaha shidaalka, xukuumaduna ay saxeexday hashiiska lagu kiraynaayo haamaha.

 

waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Golaha wakiilladu marka uu ogaado heshiis la saxeexay oo xukumadda caado u noqotay inaanay heshiisba u soo gudbin golaha wakiillada, waxa ayaan darro ah in wasiirkii ganacsiga eenu u doodaynay eenu lahayn xeer madaxweyne ayaa lagu hoos geeyay ee isagu ha maamulo inuu kala hadlo oo yidhaahdo heshiis ba lama soo wadin. Marna yidhaa xil shirkaddood baa la siiyay marna yidhaa waxba lama saxeexin,” ayuu yidhi Mudane Xoog.

Xildhibaan Xoog oo sii hadlaya ayaa yidhi “Waar waxaanu leenahay waa la saxeexay oo waanu ogaanay, madaxweynuhuna golaha umuu gudbin waxaan ka leeyahay  xukumaddu heshiis ba nooma soo gudbiso ee anagaa ogaana heshiisyada ay saxeexto, heshiiska ay la galayso Macdanta,badroolka iyo kuwa ay hantida qaranka ku wareejinayso wax alaale wax ay noo soo  gudbiso ma jiro. Maadaama dadku na soo doortay waxaa nagu waajib ah inaanu anagu baadhno oo xukumadda faro galinno oo markaanu ogaano in heshiis la galay aanu laalo heshiiska,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa dhacay musuqmaasuq, guddida wakiillada u qaabilsan ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqu waxay noo sheegeen in sanadkii 24 milyan ka soo xaroodaan Haamaha oo aan lagu darin kharashkeeda(Miisaaniyadda), iyo inaanay ku jirin xisaab xidhka  hanti dhawraha guud, lacagtaasna waanu doonaynaa halkay gasho. Waxaa dhacay musuqmaasuq, waa waxay ka muddaharaadayaan dadka Maleeshiya,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Xoog wuxuu sheegay inaanay xukumaddu isku helay inay heshiisyo gasho islamarkaana bulshada iyo golaha ka qariso “Xalaal iftin baa la qashaa, xukumaddu isku heli mayso aanu wax qalano iyo muddiyaha aanu qarinno. Xalaal iftin baa la qashaayoo waxaynu u samaysanay hay’ad la yidhaa guddida qandaraasyada qaranka in la hor keeno  oo si daahfuran oo cad loo bixiyo qandaraasyada. Xukumaddu meel madow ayay ku saxeexdaa heshiiskasta wakiilladana ma keento,” ayuu yidhi Mudane Xoog.