Inay goor hore dhintaan ama is dhiibaan bay ahayd !

 

 

Anigaa is cunay ee cid kale ima cashuurteene

Hadday cudduddu ii urursan tahay la ima ciileene

Cadowgii awowyaashey diley ima cantuugeene

Casar galay ma cuurteen waxaan cuud lahaan jiraye.

Soomaalidu isu daranaa, haddana isu roonaa oo adkaysi badnaa !

Jinsigan soomaalida la yidhaahdaa waa bulsho Alle ku abuuray meel ka mid ah meelaha dunida ugu qanisan dhinac kasta oo laga eego, waa bulsho leh wax kasta oo isku duubni, midnimo, horumar iyo guul keeni kara, haddana waxay u kala gurmeen sidii bulsho aanay jirin haba yaraatee wax mideeyaa, in badan oo aduun waynaha ka mid ah marka loo sheego dadkani inay isku diin yihiin, isku af yihiin, isku isir yihiin, aragtiyo siyaasadeed oo kala fogi aanay dhex oolin waxay la yaabaan dadkani waxa ay isku dilayaan !

Soomaaliya waxa ku jira kaydka dhaqaalaha ee aduunka, sidaa awgeed waxa ku dagaalansan dawlado ka fekeraya tobanaan sanadood ka dib siduu dhaqaalahoodu u sii jiri lahaa, noloshoodu u sii taagnaan lahayd.

Dadkan Alle goobtan ku abuuray waxa lagu deyey wax kasta oo lagu adoomin lahaa, si ay isu dhiibaan oo sida la rabo looga yeelo.

Maalin kasta waxa lala yimaadaa istiraatiijiyad iyo qorshe kii hore ka daran oo magacyo fiicfiican oo rajo abuur ah la siiyey, maantana waa biyo xidheenka baardheere.

Haddii biyaha webiga gudaha Ethiopia laga kaantaroolo oo laga xidho maxaa dhacaya, bal adba !

Sir ma qabe Allaa u sahana

Caadil baa aduunyadan u dhigay caynkan ay tahaye

Cadceed iyo habeen waa inay kala carceeraane,

Gudcur caal madow iyo caddana maba caweeyaane

Casarkaa galbadey ee arlada laga carraabaayo,

Carradeena soomaaliyeed caabuq baa galaye.

Cuduradan na kala caydhiyee cutubba meel joojay,

Waa waxay caddaan iyo madow igu carbuunteene

Anigaa is cunay ee cid kale ima cashuurteene

Hadday cudduddu ii urursan tahay la ima ciileene

Cadowgii awowyaashey diley ima cantuugeene

Casar galay ma cuurteen waxaan cuud lahaan jiraye

Cadradayda muu caashaqeen caada qaatuhuye

Cudurdaar ma laha ceebtan iyo caynkan aad tahay

Goormaad bal ciidamin haddaad maanta caran waydo

 

CabdikariiN Xuseen Maxamed