Raysalwasaaraha Somaliya Oo Kismaayo Gaadhay

Kismaayo(SLpost)-Wafdigan oo uu Hogaaminayo raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay wehlinayeen masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Odowaa, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiir ku-xigeenno iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), ku-xigeenkiisa, C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, Wasiirro iyo Masuuliyiyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

raysalwasaaraha Somaliya iyo wafdigiisa ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo Madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay ku qaateen kulan gaar ah oo ay labadooda oo qudha ku wada hadlayeen, waxaana xigay kulamo gooni gooni ah oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd oo ay yeesheen wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo madaxda Jubbaland.

Madaxda oo Saxaafadda la hadlay kaddib kulankooda ayaa waxay sheegeen in ay ka wada hadleen Arrimo ay kamid yihiin sidii loo dhisi lahaa Guddiyo ay labada dhinac Hore isugu Af-garteen in la dhiso, kuwaasoo ka shaqeyn doonaa sidii loo xallin lahaa is-fahan-waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland iyo weliba sidii xal waara looga gaadhi lahaa arimahaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay sheegeen in ay isku afgarteen dhammaan arimihii ay ka wada hadleen isla markaana ay ku heshiiyeen in ay si wadajir ah uga Shaqeeyaan Danta Guud ee umadda Soomaaliyeed.