War deg deg Ah:- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Laalay in La Kirayn Karo haamaha Shidaalka

Golaha Wakiillada Somaliland (PhotoFile)

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa fadhigoodii maanta cod u qaaday in xukuumaddu ay kirayn karto haamaha shidaalka iyo in kale.

waxaana fadhigan oo ay ka soo xaadireen 54 mudane ay ugu horaynti u codeeyeen in la raaci karo nidaamkii golaha uu u mari jiray xeerarka iyo mooshinada la horkeena, badanka xildhibaanada ayaa ka buuqay in la maro nidaamkii mooshinada loo maraayay waxaana laga qaaday cod, kaas oo ku biyo shibtay in maanshinka maanta loo codeeyo.

intaas kadib waxa loo codeeyay mooshinkan golaha la horkeenay ee ah in haamaha ay xukumadu kirayn karto iyo in kale, 40 xildhibaan ayaa diiday inay xukuumadu kirayso haamaha shidaal, 9 xildhibaan ayaa ogalaaday 5 xildhibaan ayaa diiday, gudoomiyahuna muu codayn.

xildhibaanadan diiday moshinka la keenay ee kiraynta haamaha shidaalka ayaa xukuumada ku eedeeyay inay cid gaar ah ku naas nuujinayso haamaha shidaalka isla markaasna aanay ganacsatada iyo shirkadaha danaynaaya si siman ugu soo bandhigin kiraynta haamaha shidaalka.

xukuumadda ayaa ku guuldaraysatay inay golaha ka difaacdo kirayntan ay la damacday haamaha shidaalka.

Somalilandpost
Hargeysa Somaliland