Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo Ka Hadlay Sida Ay Soomaalidu Isku Xaasidaan

 

Hargyesa(SLpost)-Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka haday dhaqanada xun xun ee dadka Soomaalida inay ka mid tahay in aan waxba laysku ogayn oo dadka midba midka kale uu hoos u reebayo.
Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laysku haniyeeyo intii laysla hadhi lahaa, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Dhawr amuurood oo foolxumo leh ayaan ku arkay anigu Soomaalida dhaqan ahaanba, waa deeqsiyaal hadii ay wax dhibaataysan arkaan laakiin waxba iskuma ogola, waxa badan shaadhka ka wasakhee, dumarkuna xaga danbe ha joogaan oo hanaga aamuseen, dad aan waxba isku ogalayn dhaqankeena qayb caynkaas ah ayaa ku jirta, waxaad xataa arkaysaa fanaaniinteena laba fanaan oo waaweyn ayaad ku odhanaysaa midkood hebel ka waran oo waxa uu ku odhanayaa waxba ma tumi karo oo waxba ma yaqaano, kan kale ayaad u tagaysaa isna sidiibuu ku odhanayaa, siyaasiyintuna waa caynkaas.”

Halkan Hoose ka daawo muuqaalkaas