Nololi Waa Qalbiga!!: Sheekh Maxamed Idris

Galabta oo jimce ah waxaan magaalada Edmonton, canada, cisbitaalka ku booqday walaal dhalinyara ah oo la yiraahdu ILYAS. Ilyaas qaxootiga iifo ayuu ku noolaan jirey, canada wuxuu yimi abbaaraha 2003.. Waa nin dhalinyara ah oo fir fircoon, oo nolol iyo kalaooni ka muuqato. Waa faraxsanyahay, waa tukadaa, qur’aanka ayuu akhristaa, tafsiirka iyo cilmiga waa dhegeystaa, akhbaarta waa la socdaa, magaalada waa la xiriiraa dadkuna waa soo booqdaan. Sidaas oo ay tahay..

11924774_850019568427839_715386708868887321_n

Ilyas wuxuu ka dhaqaaqayaa oo keliya Madaxa! Bishii Aug, 2008 ayuu Ilyas Shil galay isaga oo mooto wada. Wuxuu galay koomo, waxaa dhaawac gaarey laf dhabarta, jirkiisa oo dhan meel dhaqaaqeysa ma laha, aan ka ahayn Madaxa.. Wax walba Ilyaas wuxuu ku qabsadaa Madaxa. Dhibicda cad ee wajiga ku taal computerka ayuu kaga shaqaystaa. Gaariga curyaanka ayuu wataa madaxa ayuu ku kaxaystaa, basbayuu ku raacaa ama train, dadka ayuu caawiyaa oo u turjumaa, waa qof Ilaahay u sameeyey karti, niyad wanaag, uhagarbaxa iyo kaalmada dadka.

Wuxuu igu yiri: Ciise oo ay waqti dheer is yaqaaneen: Raganimada Ilyas iyo Moralkiisa weli qof aan u dhigo ma arag! Magaalada isagaa igu soo dhoweeyey, markaan iri shaqa ma hayo, (beri ayaan kusoo mari gaalka noo madaxa ayaan kuu geyn) waxaan iri: horta maa lasoo hadasho, wuxuu yiri: waxba looma baahna diyaar noqo! Ninkii ayuu ii geeyey wuxuu ku yiri: ninkan waa saxibkay waqti dheer is naqano shaquu rabaa, sidii ayaa laygu qoray! Sidoo kale ayuu shan qof oo soomaali ah meesha ku keenay oo aanu cidna u kala eegin.

Waxaan ku iri Ilyaas: Walaal ilaahay ha ku caafiyo oo daraja weyn hakuu qoro, nolosha dhabta ahi waa (qalbiga nool iyo carabka Ilaahay xusa!) mexey badan yihiin dad socda oo lixda lixaad qaba laakiin aan noolayn. Ilyaas u soo duceeya!