Baryootan, Naxariis iyo Ixtiraam Cidi Shaqo Iskuma Siiso.

 

Dad ayaa marka ay qortaan shaqo banan, waxa ay ku qoraan warqadooda codsiga ama ay ku hadlaan, hadal baryootin u eeg oo ay ka mid tahay, “waxa an si naxariis leh ama xushmad leh idiin ku soo gudbinayaa ama idiinka codsanaya”. Waa hadal wanaagsan, balse shaqada ma khuseeyo. Qofka sidan wax u qora ama u hadla, waxa laga qaataa fikir ah, qof aan xirfadda uu wataa aaney sareyn ama qof aan isku kalsooneyn.

Marka cid la shaqaaleysiinayo, yaa baahan. Qofkan joornaalka lacagta ka bixyey ee iidhehda ku soo qorey ee yidhi waxa loo baahanyahay qof sidaas ah, waa ayo. Adiga maaha qofkaasi. Qofkan dhibaatadu heysataa waa loo shaqeeyaha, qofka uu miciinka moodayaana waa adiga. Bal marka hore maskaxdaada taa u sheeg.

Qofka in loo shaqeeyo doonayaa waa qof buka oo kale, waxaanu doonayaa cid xanuunkiisan ka daweysa. Adigaagan shaqo doonka ihi, isu dhig inad dhakhtarkii daweynayey tahay. Adigii sidii bukhaan socodka ha u hadlin o ha baryootamin. Loo shaqeeyuhu marka uu codsigaaga akhriyo ama uu ku dhageysto, waa inu yidhaa iminkaan heley qofkii i daweyn lahaa.

Wey jirtaa oo dalkeena si maqluub u eeg ayaa meelaha qaarkood la isku shaqaaleysiiyaa. Balse adigu haku sar goosan waxaa qaldan ee sida fiican ee shaqo loo codsado ba

Maxamed Cali Bile