Wasiir Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo oo si faahfaahsan uga warramay Sababo uu u cuskaday go’aankiisa

CaBDIKARIIM-AXMED-MOOGEHargeysa (SLpost)- Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah u shaaciyey maanta inuu iska casilay xilkaas, isla markaana is-casilaaddiisa u gudbiyey Madaxweynaha.

Wasiir Ku-xigeenkii Qorshaynta Qaranka Somaliland waxa uu ku sababeeyey Iscasilaaddiisa inuu jaanis u helo ama u madax-bannaanaado hawlihiisa gaarka ah, khaasatan olole uu sheegay inuu doonayo inuu bilaabo oo uu kaga shaqaynayo La-dagaallanka Qabyaaladda oo uu sheegay inuu Ummadda Somaliland dhibaato xooggan ku hayo iyo sidoo kale baahida loo qabo Sinnaanta Bulshada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO