Dawladda Kenya oo si buuxda ugu qanacday sharciyadda Dahabshiil, Caddaysayna kalsoonideeda Amni & Maamulaha Guud oo ka hadlay

Nairobi (SLpost)- Dowladda Kenya, ayaa dadweynaheeda iyo shacabka kale ee Caalamka ku war-gelisay inay si rasmi ah ugu qanacday sharciyadda iyo aaminaadda shirkadda Dahabshiil, sida lagu shaaciyey Faafinta Rasmi ee Dowladda Kenya.

Baahinta Faafinta Rasmi ah ee Dowladda Kenya (Government Gazette) oo lagu faafiyo Ogeysiisyada Shuruucda Cusub ee dhaqan-gala iyo war-gelinta loogu talo-galay in loo gudbiyo dadweynaha, waxa uu si rasmi ah uga saaray Dahabshiil liiskii hore loogu daray, kaas lagu sheegay inay ka mid tahay dad iyo hay’ado laga baadhayo inay ku lug leeyihiin falal argagixiso iyo in kale.

FOREX-DAHABSHIIL-CLOSED1Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, ayaa xaqiijiyey sababta looga saaray shirkadda liiskaasi ay tahay maadaama oo lagu waayey wax la xidhiidhinaya arrimaha baadhitaannadooda lagu daray, isla markaana ay shirkaddu si buuxda oo shuruucda waafaqsan u buuxisay dhammaan shuruudaha u yaalla shirkadaha ka shaqeeya Xawilaadda lacagaha ee ka hawl gala dalka Kenya.

Xukuumadda Kenya waxa ay soo af jartay baadhis qoto dheer oo dhinacyo badan, kuwaas oo lagu hubinayey qaababka shirkaddu u fuliso hawl-maalmeedkeeda, ugagana digtoon tahay arrimaha lala xidhiidhiyo argaxisada, lacagaha la maydho (la xalaaleeyo) iyo sida ay shuruucda u taalla ka-hortagga argagixisada ugu dhaqmaan xawaaladuhu.

Faafiyaha Dowladda Kenya, waxa uu ogeysiiyey dadweynaha in aanu Dahabshiil ka mid ahayn, si buuxdana looga saaray liiskaa hore oo si ku-meel-gaadh ah loogu daray.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Ducaale, ayaa ku tilmaamay tallaabadan xukuumadda Kenya kaga saartay Dahabshiil liiskii hore, waxaanu yidhi, “Waa mid si buuxda ugu marag-kacaya in aanay shirkaddu wax qalad ah ama gef sharciyadeed ah gelin marnaba, iyada oo dawladda Kenya si weyn ugu qanacday in aanay meelnaba ka soo gelin, wax lug ahna ku lahayn maalgelinta ururrada argagixisada, balse ay si waafi ah oo mug leh ugu dhaqanto shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqo ka-ganacsiga lacagaha la xidhiidha.”

Abdirashid-Duale“Shirkadda Dahabshiil waxa ay ka hawlgashaa 126 dal oo ay ka mid yihiin Kenya iyo USA (Maraykanka), waxana aannu ixtiraam iyo ku-dhaqan buuxa siinnaa shuruucda lagu ilaaliyo sharciyadda isu-gudbinta lacagaha ee dalalkaa iyo caalamkaba u yaalla. Adeegga Dahabshiil u hayaa macaamiishiisa waa mid nolosha aasaasiga ah Kaaba haddii ay ahaan lahayd dhinaca waxbarashada, nolol-maalmeedka iyo socodsiinta ama maalgelinta ganacsiga oo isaguna sii abuura shaqooyin aan la dhayalsan Karin,” Sidaas ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Dahashiil Group, Cabdirashiid Siciid Ducaale.

Isaga oo ka hadlayey adeegyada Shirkaddu u qabato macaamiisheeda ku sugan guud ahaan caalamka, gaar ahaan deegaannada Soomaalida, waxa uu yidhi, “Shirkadda Dahabshiil waxa ay qayb libaax ku leedahay (kobcinta) dhaqaalaha Kenya. Waxa adeeggeedu abuuray boqollaal shaqo iyada oo uu dad badan shaqaalaysiiyey ama adeegga isu-gudbinta lacagaha oo meherado iyo ganacsi aasaasa laga helo shaqooyin kale oo tiro badan oo wax ka tara xakamaynta saboolnimda, halka ay shirkaddu, weliba, taageero ku celiso bulshooyinka ay ka dhex shaqayso, oo ay ka mid tahay Kenya. Faa’iidada shirkaddu samayso ugu yaraan 10% ayaa ku noqda bulshada si loo hirgeliyo mashaariic kaabayaal u ah mujtamaca, sida dhisidda dugsiyada/iskuullada, cusbataallada iyo helidda biyo saafi ah oo la cabbi karo.”

Tallaabadan lagu caddeeyey sharcinimada buuxda ee Dahabshiil waxa ay daba socotaa ruqsad uu Bangiga Dhexe ee Kenya bishii June ee sannadkan ugu fasaxay shirkadda inay hawlaheeda dib uga bilawdo dalka Kenya, taas oo meesha ka saartay isal markaana ka qaadday shirkadda xayiraad ay dowladda Kenya xawaaladaha ku soo rogtay 7-kii April ee sannadkan.