Guddiga Qaban-qaabada Gobolka Maroodi-jeex Ee Tartanka Ciyaaraha Gobollada Oo Dhaliilay Masuuliyiinta Gobolkooda

Hargeysa, (SLpost0- Guddoomiyaha guddiga qabanqabada ee qaabilsan gobolka maroodi jeex ee tartanka ciyaaraha gobolada Khalil Cismaan Saban (Khaliil Cagoyare) ayaa jeediy baaq iyo dhaliilo isugu jirta uu direy masuliyinta gobolka Hargeysa inay kaalintoodi ka gaabiyeen ee diyaar garowga ciyaaraha gobolada, oo la filayo inay bishan aanu ku guda jirno ay qaabsoonto.Khaliil

Gudomiyee khaliil Cisman sabaan ayaa tilmaamay inay ciyaartooda gobolka maroodi jeex isla markaana ka qayb geli doona tartaanka ciyaaraha gobolada niyad jabsan yihiin, madaama aanay wax dhirii gelin ah iyo ababuul ah ka helin masuuliyinta gobolka ay uu ciyaarayan ka hayne, halka gobolada kale ay masuuliyintoodu ay la barbar tagaan yihiin hiil iyo hoo ba ciyaartooda ka socda gobolkaas.  

“Iyadu ay ciyaarihi goboladu ay food inagu hayso oo bishan ay bilaabmayan ciyaaruhu, masuuliyinta gobolka maroodi jeex wax xil ah iska saarin waajibkii ay ciyaartooda uu mateeli doona gobolkan wax dhaqalee ama dhirii gelin ah aanay siin ila wakhtigan. Waxana aanu ka coodsanayna masuliyinta gobolka Hargeysa ay xilkii iyo waajiibkii ay ciyaartoda ka qayb galayaa tartanka ciyaaraha gobolada ku lahayeen, anigu ku hadlaya magaca gudiga qaban qabada ee gobolka Hargeysa.

Waxad arkaysa gobolada kale oo ay masuuliyintoodi iyo ganacsataduba la barbar tagaan yihiin ciyaartoododa oo ay dhirii gelin iyo wixi ciyaartoodu u baahdan keenaya, sidoo kalena gobolka maroodi wa gobolka ay ku taalo cassimaada dalka oo dhan isla markana ay ka dhaqaalo badan tahay gobolada kale ee dalka, sida awgeed waxa aan ugu baaqaya badhaasaabka, mayaarka iyo ganacsataada gobolka dhamaantood ay kaalintoodi ee gobolka maroodi jeex ka qayb qataan oo ay u soo gurmadaan ciyaartoyda kolayga, cagta iyo oroodada” Sidana waxa yidhii gudomiyaha gudiga qabanqaabada maroodi jeex.