Mid Ka Mid Ah Xubnaha U Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha Oo Lagu Dhaawacay Dalka Burundi

Bujumbura, (SLpost)- Nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xaquuqul insaanka dalka Burundi ayaa si xun loogu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Bujunbura, maalin ka dib markii xiisaddi ay ka dhalatay dilka mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha aadka ugu dhow madaxweynaha dalkaasi.

Pierre-Mbonimpa-Web-SpeakerErgayga gaarka ah ee Mareykanka ee gobolka ayaa sheegay in uu aad uga naxay weerarkaasi ka dhanka ah ninkani sida cabsi la’aanta ahi u difaacayay caddaaladda.

Pierre Claver Mbonimpa ayaa waxa toogasho ku dhaawacay nin hubeysan oo saarnaa mooto ama dhug-dhugley xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Bujumbura.

Difaaca dhanka xaquuqda dadka maxaabiista ah iyo arrimaha kale ee uu ka shaqeynayay ayaa waxa uu ku muteystay sumcad guud ahaan caalamka oo dhan.

Ninkani ayaa haatan waxa uu ku jiraa qaybta xaaladda deg degga ah ee cusbitaal ku yaalla magaalada caasimada u ah dalka Burundi ee Bujumbura.

Geerida ninkani ayaa ku baahday gudaha dalka ka hor inta aanu dhicin weerarkaasi lagu dhaawacay.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa kal hore ku baaqay in la muujiyo xasilooni, waxayna ka digeen weerarro aargoosi ah ka dib dil loo geystay janaraal sare oo lagu magacaabi jiray Adolphe Nshimi-rimana.

Dalka Burundi ayaa muddo bilo ah waxa ka jirtay xasillooni darro ka dib go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ee ahaa inuu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimada.

Waxaanu ku guuleystay doorashadii bishii la soo dhaafay, taasi oo inta badan ay qaadaceen mucaaradku.