Dhulku Haddii Uu Dilaaco Siilaanyo Uu Toli Lahaa – W/Q Khadar Cabdiraxmaan

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Tan iyo maalintii uu hogaanka la wareegay madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka wax badan ayaa u siyaaday, maalinba waxaad maqlaysaa meelbaa dhagax la dhigay, dhisme ayaa xadhiga laga jaray, laamiga ayaa magaalo habeelyo loo sameeyey oo hada dhamaatay iyo arimo kale oo intaas ka badan ayaad maqlaysaa.

Madaxweyne Siilaanyo ilaahay cimriga ha u barakeeyee wuxuu qabtay tiro iyo tiraab midna laguma soo koobi karo, shan sano waxqabadkood way adagtahay in lagu baahiyo hal qormo ama bandhig warbaahineed, iyadoo u baahan wakhti iyo Samir badan.

Ceerigaabo ayaa tusaale inoogu filan, mar hadii maanta kala badh laga faraxashay oo haatanba lagu daansha daanshoonaayo dul maristeeda. Reer ceerigabana waxaan ka hayaa “Weligaaba joog madaxweyne” taas oo macnaheedu yahay doorasho kasta oo timaada waanu kuu codayn doonaa.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu fuliyey waxaa ka shaqeeyey oo garabka intaas la haya cida uu hawsha u doortay agaasinkeeda iyo isku duba ridkeeda, kuwaas oo ah balaal nadiif ah oo caafimaad qaba, mudan in la booriyo abaal iyo mahadnaqna loo hayo mar kasta.

Bal eeg jidkii Bebrera ee rafaadka badnaa rooga la dhigay ee aanad dareemayn in aad gaadhi saarantahay iyo in aad diyaarad ku safrayso. Anigu soomaalida waan aqaanaa, waayo aniga ayaa ka dhashay wax badso mooyee abaal gudku aad ayuu inoogu yaryahay.

Waxaan qabaa hadii ragu isku tago oo ay isku tashadaan inay wax badan qaban karaan, Siilaanyana hadii uu dhulku dilaaco malaha uu toli lahaa. Min qiyaaskaasi waa tusaale waxqabadka la taaban karo ee maanta aynu dheernahay wadamada kale ee aynu la jaarka nahay.

Khadarc16@gmail.com

Khaddar Cabdiraxmaan.