Dulman (Qaybta saddexaad)‏

Waxa la isla af gartay in inantan yar ay korsadaan, xaashi ogollaanshiyo ahna ka soo qaataan cidda ay khusayso arrintani. Sidaas bay isku afgarteen. Isla maalintii labaad ayaaba la soo siiyey xaashidii ogollaanshiyaha ahayd. Farxad iyo rayn rayn, hadda Gaasira carruurteedu waxayba marayaan afar hablood, laba ay dhashay iyo laba ay korsanayso. Hadday ka soo warreegtay 15 sanno goortii inanta yari joogtay guriga Gaasira, Dulman waxay noqotay filkeed ka-roon, una dhago nugul hooyadeed Gaasira.  Gaasiri umay sheegin in aanay iyadu dhalin, waligeedna may darreensiin. Waxa aan “hooyo” ahayna ugumay yeedhin jirin.

Siday ugu dhago nugushay ayey ka hinnaaseen hablihii ay Gaasiri dhashay. “Naa horta heedhe maxaad haddaanu hooyo yara maqli waynno aad u booddaa oo hawsha lanoo diro aad adigu u qabataa naa yaFaadumoa ku soo qaadan jiray.” Ayey ku celceliyaan. Way murrugootaa dhinac ay u saartana way garan waydaa markay maqasho, “Yaa ku soo qaadan jiray.” Ilayn haweeni hadal ay fadh-fadhaan ma daayaane. Intaa cid uun bay hadal hayaan! Intaana wax aan dantooda ahayn bay ka sheekaynayaan. Haween jaarkooda ahbaa maalin u taab-taabtay arrinka iyada ku sahabsan. “Naa dee Gaasiri hooyadaa ma aha! Miyaanad  ogayn in lagu soo helay?” Ayey bariido ka dib  hoosta ugu dhiibtay islaani! “Yaa i soo helay, maxaad se uga jeeddaa Gaasiri kumay dhalin? Ayey iyadoo argagaxsan si ay u rummaysatana garan la’ ugu warcelisay. Bilow ilaa dhammaad islaantii duryama warbixintii oo faah-faahsan u bayaamisay beerku ha xanuunee!

Dulman waxay tidhaa iyo waxay samaysaba way garan wayday. Hadallo badan oo ay odhan jireen hablaha ay dugsiga wada dhigtaan bay soo xasuusatay. Aflagaaddo badan oo ay kula kacaan habalaha Gaasiri dhashay bay dib u xasuusatay. Toloow hooyaday waa tuma  oo aabbahayna waa  kuma? Halkayse joogaan? Toloow miyey dhinteen?! Siday ii tureen? Maxaan sameeyey ee ay sidan iigu galeen? Miyaan iska dhinto. Maxaan galabsaday sidan la iigu galayaa haddaa. Ma is dillaa tolloow? Maxay hooyadaadii aad mooddaysay ee Gaasiri kuugu sheegi wayday? Maxay hooyadaa iyo aabbahaa kuula doon-dooni wayday? Tollaay intaan jirayba hooyo iyo aabbe maan lahayn!

Haddiiba wayddiimahaa nafteedii kula boobtay, warcelin may helin, aan ahayn wayddii hooyadaa Gaasira waxa laguu tuuray ee guddaafad xashiishka laguu dhigay!

Iyadoo cagaha jiiddaysa murrugo iyo marrooro dillaac ayey gurigii soo gashay. Nasiib wannaag hooyadeed Gaasiraa albaabka ka furtay. Dulman gabadh daggan ayey ahayd arrinka ay qabannayso iyo waxay ku hadlayso intaba way ka fiirsan jirtay. Markay u diyaarisay wax kasta oo ay u baahnayd Gaasira  ayey si daggan ugu tidhi hooyo,” Yaa i dhalay?” Gaasira ood mooddo in geeri loo soo sheegaybaa kor u boodday oo tidhi,………………..

La soco qaybta Afraad hadduu Eebbe ogolaado.

 

Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com

Hargaysa,Soomaalilaand