Dawladda Ingiriiska Oo Sharciyo Adag Kusoo Rogtay Tahriibeyaasha Magan-gelyada Ku Taga Dalkaas

London, (SLpost)- Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal ay ku samaynayso dad dhul haysta oo masuul ka noqda ka saaridda guryaha dadka tahriibayaasha ah haddii codsiyadooda magan-gelyo doonka la aqbali waayo.Britain

Wasiirka bulshooyinka dalka Ingiriiska, Greg Clark ayaa sheegay in mulkiileyaasha dhulalka ee aan la socon dadka guryaha ka kireysta la xidhi doono shan sano.

Waxa uu intaa ku daray in sharcigani uu qabanayo dadka guryaha iska leh ee lacagta ka sameeya soogalootiga sharci-darrada ah.

Hadalkiisan ayaa imanaya iyadoo ay sare u sii kecayso walaaca ka dhashay tahriibayaasha ku sugan magaalo xeebeedda Faransiiska ee Calais, kuwaas oo doonaya inay Britain u gudbaan.

Maalintii Axadda, wasiirka cadaaladda iyo tahriibayaasha ee Sweden, Morgan Johansson, ayaa waxa uu cambaareeyay in David Cameroon uu ku dhawaaqay dadka doonaya inay Britain galaan kuwald a sharci-daro ah.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in marka hore la dhegaysto codsigooda magan-gelyada la xidhiidha.