Wasiir Xaglo-toosiye Oo Farriin Digniin Ah U Diray Maamul-gobolleedka Puntland

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa fariin digniin ah u diray maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo farogelin ku soo sameeyay shalay deegaanka Buuhoodle ee Somaliland Waxaanu wasiirku sheegay inaan Somaliland u dulqaadan doonin talaabo kasta oo xad-gudub ku ah dhulkeeda.“Cali Khaliif waa nin weyn oo Oday ah, xaaladda uu immika ku sugan yahayna waa xaalad aad u liidata, waxaanu ka xunnahay” – Xagla-toosiye

“Puntland waxaan u sheegayaa inaanay Somaliland ogolaan doonin inaad qas ka samaysaan gudaheeda.” ayuu yidhi wasiirka oo ka hadlay faro-gelintaas.