Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Marxuum Ciise Garaad Soofe Oo Ku Geeriyooday Denmark

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Cismaan Garaad soofe oo walaalkood Marxuum Ciise Garaad Soofe uu ku geeriyooday Dalka Denmark, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa guud ahaan reer garaad soofe,

waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa bahda dhaqanka Somaliland ee Garaadada, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid marxuumka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay nin qaran oo ka baxay guud ahaan shacbiga somailand kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Reer garaad soofe, Garaadada, Ugaasyada, Boqorada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.