Sheekh Maxamed Aadan Oo Dawladda Hoose Caasimadda Iyo Dadka Dan-yarta Ah Ee Suuqa Ku Ganacsada Talooyin Ujeediyay

Hargeysa, (SLpost)- Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, isla markaana ah khadiibka masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa ayaa khudbaddii maanta ee salaadda Jimcaha kaga nadaafadda iyo doorka ay nolosha bani’aadamka ku leedahaysheekh-maxamed-aadan - Copy

Sheekha Maxamed Aadan oo masaajidka uu khadiibka ka yahay ku yaallo badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa ayaa bulshada ku hareeraysan masjidkaas, dawladda hoose ee caasimadda iyo dawladda dhexe u diray farriimo kala duwan oo nasteex u ah guud ahaan bulshada iyo dalkaba.

Waxa uu sheekhu ku canaantay dawladda hoose iyo masuuliyiinteedaba gudasho la’aanta shaqadii loo igmaday, isagoo talooyinna usoo jeediyay dadka dan yarta ah eek u ganacsada suuqyada, kuna waayay dadweynaha inay si guud u ilaashadaan nadaafadda iyo bilicda caasimadda.

“Maayarka iyo ku-xigeenka maayarka iyo xubnaha golaha deegaanka waxaan leeyahay waa inaad ummadda u shaqaysaan oo aad shanta subaxnimo intaad mafiiqaha qaadataan aad waddooyinka xaadhaan, dadkuna markaasay idin la shaqayn doonaan, maaha inaad seexataan oo xafiisyadiinuna ay cidlo ahaadaan, isla markaana maalinta aad doontaan aad ganacsatada jiidhaan oo aad baabiisaan oo maalinta ku xigtana la idin waayo, taasi xal maaha.” ayuu  yidhi Sheeh Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheehu ku dardaaray dadka ku ganacsada waddooyinku inay ilaaliyaan nadaafadda iyo bilicda magaalada oo ku tilmaamay mid door weyn oo horumarineed ku leh dalka. Sidoo kalena waxa uu fariin u diray xukuumadda dhexe waxaanu kula dardaarmay inay dadka danyarta eek u ganacsada suuqyada iyo waddooyinka dhexdooda ay u dhisaan goobo ku haboon oo ganacsi.