Muuse Biixi oo Saluugay laba ka mid ah Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Mucaaradka iyo Jawaabta uu ka bixiyey

muuse biixiHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey Bayaan ka kooban lix qodob oo Arbacadii dorraad ay shaaciyeen Xisbiyada Mucaaradka ah, kuwaas oo ahaa natiijada shir todobaadkii hore Hargeysa ugu qabsoomay oo ay kaga hadleen xaaladda dalka iyo dib-u-dhaca doorashooyinka wakhtigooda laysku haysto.

Qodobbada ku jiray Bayaanka Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa lagu qaaddacay isla markaana sharci-darro ku tilmaamay go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaanay madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inuu fuliyo heshiiskii muddada doorashada laga gaadhay oo dhexmaray xisbiyada iyo xukuumadda, iyagoo ku gooddiyey haddii heshiiskaasi la fulin waayo inay beesha caalamka ka dalban doonaan dhex-dhexaadin iyo inay soo kala dhex-galaan xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

Haddaba Muuse Biixi oo Madaxweyne Siilaanyo ku wehelinaya socdaal wefti uu hoggaaminayaa ku gaadheen gobolka Sanaag shalay, ayaa khudbad uu ka jeediyey Kheyriyada magaalada Ceerigaabo, waxa uu kaga jawaabay laba qodob oo ka mid ah lixda Qodob ee bayaanka ka soo baxay shirka mucaaradka, kuwaas oo uu si gaar ah u dul-istaagay.

HALKAN KA DAAWO JAWAAB MUUSE BIIXI