Ururka Taalibaan Oo Hogaamiye Cusub Doortay

Kabul, (SLpost)- Warar ka soo baxaya geeridii hoggaamiyaha ururka Taliban Mullah Cumar ayaa in ku-xigeenkii Mullah Cumar, isla markaana madax u ahaa garabka siyaasadda iyo Milateriga ee ururka Taliban Mullah Akhtar Mansoor loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub, iyadoo aanu ururka Taliban arrintan weli ka faalloon.Mullah

Xukuumadda Afghaanistaan ayaa sheegtay shalay arbacadii in hoggaamiyihii ururka Taliban Mullah Cumar uu dalka Pakistan ku geeriyooday sannadkii 2013.

Afhayeen u hadlay hay’adda Sirdoonka dalka Afghanistan Cabdul-Xasiib Seddiqi ayaa sheegay “Aad ayuu [Mullah Cumar] u xanuunsanayay, waxaana la dhigay cusbitaalka Karachi, halkaas ayuuna ugu geeriyooday xanuunkii hayay iyada oo uu jiray shaki la xidhiidha waxa keenay geeridiisa” ayuu yidhi.

Hay’adda Sirdoonka ee dalka Afghanistan faahfaahin kamay bixin waxa keenay shakiga la xidhiidha geerida hoggaamiyaha Taliban Mullah Cumar, sidoo kale xog badan kamay bixin inta hay’addoodu ogayd warkan.