Aghanistan Oo Shaacisay Dhimashada Mullah Cumar Iyo Taalibaan Oo Ka Gaabsatay Inay Ka Hadasho

taliban-leader-mullah-omar-deadKabul, (SLpost)- Dawladda Afghanistan ayaa sheegtay in hoggamiayaha kooxda Afghanistan ee Taliban, Mullah Maxamad cumar, uu geeriyooday, iyada oo aanay kooxda Taliban weli hadlin arrintaasi.

Hogamiayahan oo aan aad loo arki karin ayay dowladdu sheegeysaa inuu geeriyooday laba ilaa seddex sano ka hor.

Waxa hore u jiray warar sheegayay dhimashada Mullah Cumar, balse tan ayaa ah warkii ugu horeeyay ee ka soo baxa dawladda Afghanistan.

Mullah Cumar ayaa hogaminayay Taliban dagaalkii sokeeye ee dalkaasi, iyadoo Talibanku ka guuleysteen kooxihii kala duwanaa ee awoodda ku loollamayay.

Markii dambe waxa uu isbahaysi la galay hoggamiyaha Al-Qaciddah ee Usma Bin Ladin, taas oo ku qasabtay in Maraykanku ay duulaan ku qaadaan dalka Afghanistan sanadkii 2011-ka ka dib weerarki 9/11 ee New York iyo Washington.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay Mullah Cumar ayaa dhumaaleysi ku jiray, iyadoo Mareykanku madaxiisa dul dhigay 10 milyan oo doollar oo uu ballan-qaaday inuu siinayo ciddii ka caawisa in la qabto ama la dilo.

Afhayeenka kooxda Taliban oo ay idaacada BBC-du sheegtay inay la xidhiidheen ayaa kaga fal-celiyay hadalkan in kooxda Taalibaan ay warmurtiyeed ka soo sari doonto arrintan.

Source: BBC