Shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa oo Shaqo-joojin Iclaamiyey iyo Shuruudo ay ku xidheen

Jaamacadda HargeysaHargeysa (SLpost)- Shaqalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa ka hawl-gala, ayaa shaaca ka qaaday shaqo-joojin buuxda, kaddib markii kooxo Arday ah oo Jaamacadda ka tirsan weerareen isla markaana khasaare naf iyo maalba isugu jirta ka geystaan jaamacadda.

Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo qayb ka noqday khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Jaamacadda, ayaa maanta weeraray isla markaana dhaawacyo kala duwan u geystay Qaar ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda halka sidoo kale khasaare laxaad leh la gaadhsiiyey Gaadiidkii shaqaalaha iyo macalimiinta Jaamacadda.

Sida lagu shaaciyey war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen Shaqaalaha ka hawl-gala Jaamacadda Hargeysa, waxa ay sheegeen in shaqo-joojinta ay sameeyeen kaddib markii ay u soo baxday in xaaladdooda Ammaan halis ku jirta, go’aansadeenna inaanay shaqada bilaabin inta cadaaladda la horkeenayo ciddii soo abaabushay iyo Dadka fuliyey weerarka Jaamacadda lagu qaaday.

War-murtiyeedka ay soo saareen Shaqaalaha Jaamacadda, ayaa u qornaa sidan:- “Shaqaalaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa waxay la socodsiinaynaa dhammaan daneeyayaasha Jaamacadda in laga bilaabo Maanta 27 July 2015 ay sameeyeen shaqo joojin sababahan dartood:

  1. Markii ay soo wajahday Jaamacadda Hargeysa amni darro baahsan oo sababtay in dhammaan la sugi kari waayay amniga ardayda, Macalmiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda.
  2. Markii 17 kii June 2015 ay koox abaabulani soo weerartay shir wada jir ah oo ay lahaayeen gollaha sare iyo dhamaan maamulka Jaamacadda Hargaysa shirkaasi oo dhaawacyo halis ah loogu gaystay shaqalaha Jaamacadda iyo Xubno golaha wasiirada ah oo shirkaasi hogaaminayay (Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka) – Isla markaana lagu boobay hanti ay xubnaha la weeraray haysteen.
  3. Markii manta 27 July 2015 oo imtixaanno ay ka bilaabmayeen mar labaad la soo weeraray Jaamacadda isla markaana gebi ahaanba jugo iyo dhaawacyo la soo gaadhsiiyay 20% kiiba shaqaalaha Jaamacadda, la burburiyay gaadiid dhan 120 gaadho oo ay lahayeen shaqaalaha, macalimiinta, maamulka iyo ardayda Jaamacadu.

Shaqaalaha Jaamacaddu waxay go’aansadeen in gebi ahaanba ay sameeyaan shaqo joojin maaddaama oo aanay sugnayn amnigooda, ka macalimiinta iyo ka ardayduba. Waalidka sharafta leh waxaanu u sheegaynaa in ay ardayda amnigooda sugaan isla markaana ardayda ka joojiyaan imaatinka Jaamacadda ilaa arrimaha amni ee Jaamacadda laga gaadhayo xal, isla markaana la sugayo amniga iyo kala dambaynta.

Waxaanu u sheegaynaa shaqaalaha iyo ardayda dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed soo gaadheen in aynu dhawrno isla markaana sugno halka shuruucda iyo cadaalada wadanku mariso dhibka ina soo gaadhaay.

Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa in ay cida abaabulka iyo dhibka ka wada Jaamacadda ay talaabo ka gaadhaan “Cadaalad raagtaa waa Cadaalad la burburiyay.

Nabad iyo Wada noolaansho ayaa horumar lagu gaadhaa.

NB: Shaqo joojintu waxay soconaysaa inta talaabo sharci laga qaadayo cidii dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed gaysatay iyo cidii soo abaabushaybam.”