“Khilaafka Jaamacadda Hargeysa Waxa Uu Bilaabmay Markii KULMIYE Dalka Qabsaday” Ku-xigeenka Waddani

Hargeysa, (SLpost)- Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in tan iyo markii uu dalka qabsaday Xisbiga KULMIYE ay Jaamacadda weyn ee Hargaysi la deris noqotay Khilaaf iyo is-qab-qabsi wajiyo badan yeeshay,kaas oo si weyn u dhaawacay Sumcaddii Jaamacadda.waxa uu tilmaamay in madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uu isku-dayay inuu soo af-jarro Khilaafka, balse ay ku gacan-saydheen Wasaaradda ugu Awoodda badan Xukuumadda, isaga oo ku ku tilmaamay Nasiib-daarro haysata Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo. “ Waxaad moodaa in Khilaafka Jaamacadda Hargaysi uu bilaamay Markii uu KULMIYE Taladda Dalka qabsaday,Ilaa Maanta oo ah dhamaadka Shantii sanno ee Xukunka KULMIYE.Shantaas sanno ee KULMIYE taladda hayay Jaamacadda khilaaf baa ku jiray” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Waxaana uu intaas raaciyay. “Waxaanay shacabka reer Somaliland ka wada dheregsanyihiin in Madaxweyne Ku-xigeenku arintaasi dhabarka ku qaatay,in uu rabay inuu xaliyo Khifaadka Jaamacadda.waxa Runtii Nasiib-darro ah in go’aankii Madaxweyne Ku-xigeenku uu shaqayn waayay oo Wasiirro tiro-yar oo Awood badan sheeganayaa ay Khilaafeen Go’aankii Madaxweyne Ku-xigeenka, taasina ay tahay Nasiib-darro haysata Xukuumadda Maanta Jirta”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Khilaafka Jaamacadda Hargaysa ka taagan ayaa haatan maraya meeshii ugu xumayd,waxaana maalintii shalay Khasaare baaladhan gaadhsiiyay Jaamacadda Koox dhalinyaro ah oo Weerar Kusoo qaaday Shir ay lahaayeen Boodhka sare ee Jaamacadda,waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dhamaan Shaqaalihii Jaamacaddu ay Shaqo-joojin sameeyeen.